​India: Dabaal-dag sababay dhimashada 100 ruux

Image

DELHI- Boliiska dalka India ayaa xaqiijiyay dhimashada 100 ruux oo geeriyooday xilli loo dabaal dagayay sannad cusub oo dalkaas laga maamuuso, waxaana dhimashada keentay qarax iyo dab ka kacay waxyaabo la rido marka la dabaal dagayo.

In kabada 200 ruux ayaa dhaawacantahay, waxaana halkaasi booqanaya Ra'isal wasaaraha dalkaasi.

Dhibka ayaa ka dhacay magalo xeebeedka Paravur gaar ahaan macbad maamuuska laga dhigayay, waxaana goobta ka muuqda burbur xooggan iyadoo saka la bilaabay faagista  dhismaha dumay.

Falkan ayaa dhacay xilli habeen ah, waxaana dowladda dalkaasi sheegtay inaysan bixin amar dadkaasi u ogolaanaya inay isticmaalaan waxyaabaha qaraxa dhaliya.

Dadka dhaawacmay badankood aad ayay u liitaan, waxaana lagu dawaynayaa kuuliyad caafimaad oo ay dawladdu leedahay.

Dhakhaatiirta takhasuska leh ayaa laga soo diray Delhi, waxaana la soo sheegayaa in ay jiraan dad uu jidhkoodu aad u gubtay.

Saraakiisha ammaanka aya kusoo waramay inay xaaladdu dagantahay islamarkaan wadaan gurmadka loo fidinayo dadka waxyeelloobay, waxayna sidoo kale shaaciyeen in dhismaha bur buray weli laga baadi goobayo dad ku jira.

Waddanka Hindia ayaa kamid ah dalalka inta badan masiibooyinku ka dhacday, waxana dhawaan dhisme dumay ku dhimatay ku dhawaad boqol ruux.

GAROWEONLINE

Related Articles

Turkiga, Pakistan iyo Sacuudiga oo Ka Wada Hadlaya Heshiis Difaac

Harraj ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters in hindisaha heshiiskan saddex-..

  • Caalamka

    16-01-2026

  • 07:54AM

Soomaaliya oo kamid noqotay 75 dal oo saameeyay go'aan cusub oo Trump soo saaray

Liiska dalalka waxaa ku jira waddamo ka kala tirsan qaaradaha Afrika, Aasiya, Latin America, Bariga Dhexe iyo Yurub.

  • Caalamka

    15-01-2026

  • 06:32PM