​India: Xiisad ka taagan gobolka Kashmiir

Image

Kumanaan qof ayaa isugu soo baxay gobolka Muslimiintu ku badantahay ee Kashmiir, kuwaasoo iska dhgatiray bandow ay kusoo rotgtay xukuumadda India oo gacanta ku haysa gobolkaasi.

Dadka isu soo baxay ayaa ka qayb galayay aas loo sameeyay wiil yar oo Iskuullay ahaa kaasoo lagu dilay dalkaasi.

Warbaahinta India ayaa ku warantahay, in wiilkaas oo lagu magacaabi jiray Nasir Shafi Jimcihii lagu waayay magaalada Srinaga.

Boolisku ayaa sunta dadka ka ilmeysiiya ku riday dadkaasi oo aaska kadib isu soo baxay si ay baroor diiq ugu sameeyaan wiilka la dilay.

Wararka aan helayno ayaa intaas ku daray in gobolkaasi uusan ka jirin wax dhaq-dhaqaaq ah, waxaana dowladda India jartay dhammaan khadadka Internetka dalkaasi.

Bandow buuxa ayaa la xaqiijiyay inuu haatan ka hirgalay gobolka Kashmiir.

Sidoo kale dowladdu waxay xirtay dhammaan shirkadaha mobile-lada marka laga reebo midda ay dawladdu leedahay.

In ka badan sideetan qof oo intooda badan ku kacsan dowladda ayaa ku dhintay rabshado socday laba bilood.

Dhoolatus ay milaterigu maalintii ciidda ka sameeyeen magaalada Srinagar ayaa sare u qaaday xiisadda.

Dhanka kalana Khurram Parvez oo u dhaqdhaqaaqa xuquuqda aadanaha ayaa loo wareejiyay xabsi ku yaalla duleedka magaalada Srinagar, maalmo un kaddib markii laga hor istaagay in uu u safro magaalada Ganeva si uu khudbad uga horjeediyo gudiga xuquuqul insaanka ee Qaramada Midoobay.

GAROWEONLINE

Related Articles

Israel oo taliye sare iyo askar looga dilay weerar ka dhacay koonfurta Lubnaan

Wasaaradda caafimaadka Lubnaan ayaa dhankeeda sheegtay in ugu yaraan 18 qof ay ku dhinteen duqeymo ay fuliyeen ciidamada Israel.

  • Caalamka

    19-06-2026

  • 12:11PM

Wadahadalladii Iran iyo Mareykanka oo dib u dhacay kadib duqeyn Israa’iil ka fulisay Lubnaan

Wararka ayaa sheegay in askar iyo saraakiil looga dilay, loogana dhaawacay weerarka Xisbullah ku qaadey Ciidamada Israel ee koonfurta Lubnan.

  • Caalamka

    19-06-2026

  • 08:40AM