Iran oo Trump ku tilmaantay “Beenlow Weyn”
TEHRAN - Afhayeenka Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iran ayaa madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ku tilmaamay “beenlow weyn”, isagoo sheegay in Mareykanku uusan haysan doorasho kale oo aan ahayn inuu ka baxo Bariga Dhexe.
Brigadier General Hossein Mohebi ayaa hadalkan jeediyay isagoo farriin u dirayay shacabka Mareykanka, xilli ay sii xoogeysanayaan xiisadaha u dhexeeya Washington iyo Tehran.
Brig. Gen. Hossein Mohebbi ayaa sheegay in saldhigyada Mareykanka ee ku yaalla gobolka aysan u keenin amni, balse ay taa beddelkeeda abuuraan amni-darro, isagoo ku dooday in saldhigyadu xitaa awoodi waayeen inay naftooda difaacaan.
Dhanka kale, Trump ayaa beeniyay warar ay baahiyeen warbaahinta Mareykanka oo sheegayay in maamulkiisu Iran u bandhigay fududeynta cunaqabateynta iyo in Tehran loo oggolaado inay hesho qaar ka mid ah lacagaha ay dibadda ku leedahay ee la xayiray.
Trump ayaa wararkaas ku tilmaamay “khiyaali” ama “been-abuur”, isaga oo diiday in maamulkiisu uu Tehran u sameeyay dalab noocaas ah.
Xiisadda u dhexeysa Iran iyo Mareykanka ayaa kusoo beegmaysa xilli ay xaaladda Bariga Dhexe si weyn u kacsan tahay, iyadoo labada dhinac ay isku dhaafsanayaan hanjabaado iyo eedeymo.
GAROWE ONLINE