​Iraq: IS oo 131 qof ku dishay qarax​Iraq: IS oo 131 qof ku dishay qarax

Image
Image

BAQDAD- Qarax loo adeegsaday baabuur ayaa kooxda isku magacowday khilaafada Islaamiga ah ee ISIS, waxay la beegsadeen goob aad u mashquul badan oo ku taalla bartamaha magaalada Baqdaada gaar ahaan suuq dadku ka dukaamaysanayeen oo ku yaalla Karada.

131 qof oo carruur iyo haween u badan ayaa weerarkaasi ku naf waayay, waxaana ku dhaawacmay 200 in kabada sida ay xaqiijiyeen saraakiisha amniga iyo caafimaadka.

Weerarkan ayaa dhacay xilli dadku isu diyaarinayeen Ciidul fidriga oo waqti kooban inaga xigto.

Dhismayaal iyo gawaari badan ayaa ku baa'aday qaraxaasi, waxaana lagusoo waramayaan in hati badan goobtaasi ku bur-burtay.

Dowladda ayaa cambaaraysay qaraxa Baqdaad, waxayna waxashnimo ku sifeeyeen laynta dadka masaakiinta ah.

Dagaalkan ayaa kusoo beegmay xilli guulo waaweyn gaareen ciidamada huwanta ah ee dagaalka kula jira kooxada IS.

GAROWEONLINE

Related Articles

Soomaaliya oo kamid noqotay 75 dal oo saameeyay go'aan cusub oo Trump soo saaray

Liiska dalalka waxaa ku jira waddamo ka kala tirsan qaaradaha Afrika, Aasiya, Latin America, Bariga Dhexe iyo Yurub.

  • Caalamka

    15-01-2026

  • 06:32PM

Araghchi: Ma jiro qorshe lagu daldalayo dibadbaxayaal, Trump-na wuu joojiyay weerarka

Trump ayaa arrintan ka hadlay saacado kaddib markii Mareykanku bilaabay in uu ka saaro qaar ka mid ah shaqaalihiisa saldhig ciidan oo ku yaalla Qatar.

  • Caalamka

    15-01-2026

  • 05:28AM