​Iraq: Qaraxyo ka dhacay magaalada Baghdad

Image

Sagaal ruux ayaa ku dhimatay, tobanaan kalena way ku dhaawacmeen qaraxyo ismiidaamin ah oo ka dhacay koonfurta magaalada Baghdad, ee caasimda dalka Iraq.

Saraakisha Booliska Iraq ayaa sheegay in labo qof oo isku soo xiray walxaha qarxa ay weerar ku qaadeen goob ay ciidamada amniga ku leeyihiin bar-koontarool oo ku taalla koonfurta Baghdad.

Afar kamid ah dadka lagu dilay qaraxyada ayaa ahaa askar katirsan ciidamada amniga ee ku sugnaa goobta la weeraray, sida ay saraakiisha Boolisku warbaahinta u xaqiijiyeen.

Ugu yaraan 22 kale oo shacab iyo askar isagu jirto ayaa ku dhaawacmay weerarka maanta ka dhacay magaalada Baghdad, ee xarunta dalka Iraq.

Wali ma jirto cid sheegatay mas'uuliyada weerarka, balse waxa uu imaanayaa maalin kadib markii labo qarax oo noocan ah ka dhaceen suuq ku yaalla magaalada Baghdad, kuwaasi oo Daacish sheegatay.

Baghdad, waxaa ka dhacayay Qaraxyo joogto ah, wixii ka dambeeyay markii ay ciidamada dowladda Iraq weerarka ku qaadeen magaalada Mosul Bishii October ee sanadkii 2016-ka.

Dowladda Iraq oo howlgalka Mosul ay ka gacan siinayaan malleeshiyaad Shiico ah iyo Diyaaradaha militariga Mareykanka ayaan wali guulo rasmi ah ka gaarin Dagaalka ka dhanka ah ururka isku magacaabay dowladda Islaamiga ah ISIS.

GAROWEONLINE

Related Articles

Maraykanka oo ka Qaaday Cunaqabatayntii Saarnayd Madaxweynaha Venezuela 

Muddadii 90-ka maalmood ahayd ee hore loogu qabtay ayaa ku eg maalinta Jimcaha ah ee soo socota.

  • Caalamka

    02-04-2026

  • 10:39AM

Iyadoo xiisaddu kor u sii kacayso, ayaa weerar lagu qaaday markab shidaal oo ku xiran dekedda Dubai

Markabka oo lagu magacaabo Al Salmi ayaa watay xamuul aad u badan oo saliid ah…

  • Caalamka

    31-03-2026

  • 07:43AM