IS oo u dil ugu hanjabtey boqol kamid ah militeriga Maraykanka

Image

March 22, 2015 (GO)- Mid kamid ah mareegaha ay kooxda IS adeegsato ayaa lagu baahiyey magacyada, sawirrada iyo cinwaannada laga helo boqol askari oo kamid ah militeriga dalka Maraykanka kuwaasoo loogu hanjabey in la dili doono.

Koox isku magacowdey " Waaxda Jabsashada Internetka ee Daacish" ayaa baahisey macluumadkan iyadoo sheegtay in askartaasi qayb ka qaateen duqeymo diyaaradaha Maraykanku ka fuliyeen dalalka Ciraaq iyo Syria.

Kooxdu waxay sidoo kale sheegtay in xogtan ay ka heshay kumbuyuutarrada Wasaaradda Gaashaan-dhigga Maraykanka, balse afhayeen u hadlay milteriga Maraykanka ayaa arintaas beeniyey isagoo sheegay in xogtaas laga soo ururiyey baraha internetka ee bulshadu ku xiriirto.

Dhanka kale, Wasaaradda Gaashaan-dhigga Maraykanka ayaa sheegtay inay arintan baaritaan ku sameyn doonto, waxayna digniin u jeedisey dhammaan askarta magacyadooda la baahiyey kuwaasoo loogu baaqey inay feejignaan dheeri ah muujiyaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo Ku Hanjabay Canshuuro Cusub oo ka Dhan ah Yurub, Kuna Xiray Arrinta Greenland

Trump, oo marar badan muujiyay rabitaankiisa ah in Mareykanku la wareego Greenland …

  • Caalamka

    17-01-2026

  • 06:32PM

Turkiga, Pakistan iyo Sacuudiga oo Ka Wada Hadlaya Heshiis Difaac

Harraj ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters in hindisaha heshiiskan saddex-..

  • Caalamka

    16-01-2026

  • 07:54AM