IS oo u dil ugu hanjabtey boqol kamid ah militeriga Maraykanka

Image

March 22, 2015 (GO)- Mid kamid ah mareegaha ay kooxda IS adeegsato ayaa lagu baahiyey magacyada, sawirrada iyo cinwaannada laga helo boqol askari oo kamid ah militeriga dalka Maraykanka kuwaasoo loogu hanjabey in la dili doono.

Koox isku magacowdey " Waaxda Jabsashada Internetka ee Daacish" ayaa baahisey macluumadkan iyadoo sheegtay in askartaasi qayb ka qaateen duqeymo diyaaradaha Maraykanku ka fuliyeen dalalka Ciraaq iyo Syria.

Kooxdu waxay sidoo kale sheegtay in xogtan ay ka heshay kumbuyuutarrada Wasaaradda Gaashaan-dhigga Maraykanka, balse afhayeen u hadlay milteriga Maraykanka ayaa arintaas beeniyey isagoo sheegay in xogtaas laga soo ururiyey baraha internetka ee bulshadu ku xiriirto.

Dhanka kale, Wasaaradda Gaashaan-dhigga Maraykanka ayaa sheegtay inay arintan baaritaan ku sameyn doonto, waxayna digniin u jeedisey dhammaan askarta magacyadooda la baahiyey kuwaasoo loogu baaqey inay feejignaan dheeri ah muujiyaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Iran oo Trump ku tilmaantay “Beenlow Weyn”

Trump ayaa wararkaas ku tilmaamay “khiyaali” ama “been-abuur”, isaga oo diiday in maamulkiisu uu Tehran u sameeyay dalab noocaas ah.

  • Caalamka

    29-09-2026

  • 11:17AM

Imaaraadka oo xaqiijiyey kulanka Netanyahu iyo Madaxweyne MBZ

Wakaaladda wararka rasmiga ah ee Imaaraadka, WAM, ayaa Isniintii…

  • Caalamka

    29-09-2026

  • 05:57AM