ISIL oo sheegatay weeraradii dadka badan ay ku le'deen ee Sri Lanka

Image

COLOMBO, Sri Lanka – Mas'uul ka tirsan dowladda Sri Lanka ayaa shaaciyey natiijo horudhac ah oo kasoo baxday baaritaanka weeraradii maalintii Axada ee lagu laayey in ka badan 300 ruux.

Sidda ay kasoo xigatay warbaahinta, wasiirka ayaa shaaca ka qaaday in dhacdooyinkii ruxay wadankaasi "loogu aargudayey" Muslimiintii lagu xasuuqay laba Masjid oo ku taalla New Zealand.

Ku dhowaad 50 Muslimiin cibaadeysaneysay ayaa si aan kala sooc lahayn loogu laayay laba Masjid oo ku taala Christchurch ee dalka New Zealand, bishii Maaj ee sanadkaan.

Inkasta oo uu ka dhawaajiyay warkaasi, haddana wasiirka ma uusan soo bandhigin caddeymo muujinaya sheegashooyinkiisa.

Geesta kale, kooxda la magac baxday dowlada Islaamka [Daacish] ayaa dusha saaratay mas'uuliyadda weeraradaasi oo lagu beegsaday Kaniisado iyo Huteelo nooca loo tamashlo tago ah.

Wakaalada wararka u faafisa kooxdaasi ee Amaq News Agency ayaa ku dhawaaqday warkaan, inkasta oo aysan tafaasiil dheeraad ah aysan ka bixin.

Munaasabad aas wareed loogu sameynayo dadkii ku dhintay qaraxyadii maalinta labaad ee todobaadkaan ayaa ka socoto Kaniisad ku taala galbeedka Sri Lanka, halkaasi oo 100 ruux lagu khaarijiyay.

Booliska ayaa daboolka ka qaaday in 40 ruux loo soo qabtay duulaankaasi lagu bilaabay baaritaan iyada oo wadankaasi lagu soo rogay xaalad deg deg ah, oo ujeedada laga leeyahay lagu sheegay in xasiloonida lagu soo celiyo.

Sikastaba ha ahaatee, sideed qarax oo is-miidaamin ahaa ayaa loo adeegsaday weerarada Sri Lanka oo lagu beegsaday iyada oo Masiixiyiinta ay u dabaaldegayeen ciidada Ester-ka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo ku dhawaaqay go'aan cusub oo ku saabsan dagaalka Iran

Xiisadda gobolka ayaa cirka isku shareertay maalintii Axadda ka dib markii Israa’iil ay duqaysay caasimadda Lubnaan ee Beirut.

  • Caalamka

    09-06-2026

  • 09:06AM

Wararkii ugu dambeeyay dagaalka Israa’iil iyo Iiraan 

Milatariga Israa’iil ayaa sheegay in duqeymaha Lubnaan ay jawaab u ahaayeen gantaallo ay Xisbullah ku ridday dhulka Israa’iil.

  • Caalamka

    08-06-2026

  • 08:45AM