ISIL oo xaqiijisay dhimashada Baqdaadi kuna dhawaaqday bedelkiisa

Image

WASHINGTON, US - Ururka la magac-baxday Dowladda Islaamka ayaa Khamiista maanta ah waxay xaqiijisay dhimashadda hogaamiyeheeda Abuubabar Al-Baqdaadi.

War qoraal ah oo kooxda kasoo baxay ayaa sidoo kale lagu shaaciyey in Abu Ibrahim Al-Hashimi Al-Qurayshi uu noqon doono Amiirka xiga ee maleyshiyaadka Daacish.

Baqdaadi oo 48-sano jir ahaa ayaa waxaa lagu khaarijiyey howlgal qorsheysan oo uu milatariga Mareykanka ka fuliyey waqoyga dalka ay colaaduhu la dageen ee Suuriya.

Donald Trump, madaxweynaha Mareykanka, ayaa aaminsan in geerida Baqdaadi kadib ay aduunyadda noqoneyso mid ammaan ah maadaama "uu ahaa dilaa aan nixin".

"Uma uusan dhiman sidda halyeey, wuxuu u dhintay sidda Eygii," ayuu yiri Trump. "Wuxuu geeriyooda isaga oo fuley ah oo barooranaya Eeyaha Mareykanka ceyrsanayaan".

Sidda laga soo xigtay Trump, Baqdaadi ayaa isku qarxiyey god dhulka hoostiisa ku yaala oo aan kasoo laabasho lahayn, halkaas oo uu ku cararay markii hoygiisa la hareeyay.

Abuubabar Al-Baqdaadi ayaa Amiir u ahaa ISIL muddo shan sano ah. Xeeladda dagaal ee uu aaminsanaa waxay ahayd "ku dhufo oo ka dhaqdhaqaaq".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Netanyahu iyo Trump oo isku khilaafsan tallaabo cusub oo ka dhan ah Iran

Khilaafka ayaa sidoo kale la xiriira isku dayga Trump ee lagu doonayo in dagaallada Bariga Dhexe la dejiyo.

  • Caalamka

    13-08-2026

  • 06:01PM

Maraykanka iyo Iran oo billaabay wada-hadallo qarsoodi ah

Wada-hadallada ayaa ku soo beegmaya xilli ay weli taagan yihiin khilaafaadyo waaweyn oo ay ka mid yihiin barnaamijka nukliyeerka Iran.

  • Caalamka

    13-08-2026

  • 05:16PM