Iska-hor-imaad ka dhacay garoonka diyaaradaha Kabul

Image
Saddex qof ayaa ku dhaawacantay falka lala xiriiriyey dabley aan heybtooda la aqoonsan.

KABUL, Afghanistan - Ciidanka Jarmalka ayaa sheegay in xubin ka tirsan ciidamada ammaanka Afghanistan lagu dilay is-rasaaseyn ka dhacday iridda waqooyi ee garoonka diyaaradaha Kabul subaxnimadii Isniinta.

Bayaan ayaa lagu sheegay in ciidamo Mareykan iyo Jarmal ah oo ay wehliyaano ilaalo u dhashay waddanka Afghanistan - iyadoo saddex kale oo Afgaanistaan ​​ah ay ku dhaawacmeen dhacdada.

Ma cadda cidda dagaalka bilowday waxaana saraakiisha Jarmalka ay sheegeen in saddexda Afgaanistaan ​​ay dhaawaceen "weeraryahanno ama dabley aan la aqoon”.

Ciidamada Afghanistan ayaa loo malaynayaa inay qeyb ka yihiin ciidan kaalmo ka helaya ciidamada caalamiga ah, iyagoo diiday inay isku dhiibaan kooxda Taliban.

Sabtidii, dowladda Mareykanka ayaa wuxuu kula taliyay muwaadiniintiisa inay ka fogaadaan aagga ku teedsan madaarka sababta halkaasoo ay ka jiraan khataro argagixiso oo dhici kara.

Gegida dayuuradaha ayaa todobaadkii intiisa badan ahaa meel fowdo ah tan iyo markii ay Daalibaan qabsadeen Kabul, iyadoo kumanaan qof oo Afgaanistaan ​​iyo ajaaniib ah ay isku dayayaan inay dalka ka cararaan.

Sarkaal ka tirsan gaashaan buurta Nato ayaa Reuters u sheegay Axaddii in ugu yaraan 20 qof ay ku dhinteen gudaha iyo agagaarka garoonka tan iyo dhammaadkii asbuucii hore - oo ay ku jiraan burburin iyo toogasho.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Belarus oo markii ugu horreysay booqasho ku tagay Kuuriyada Waqooyi

Booqashadan waxay daba socotaa casuumaad uu Kim Jong Un u fidiyay Lukashenko bishii September ee sanadkii hore.

  • Caalamka

    25-03-2026

  • 11:40AM

Bin Salmaan oo ku riixaya Trump sii wadista dagaalka Iiraan, iyadoo laga cabsi qabo khataraha gobolka

Waxaa jira walaac sii kordhaya oo ka dhex jira saraakiisha Mareykanka iyo Sacuudiga…

  • Caalamka

    24-03-2026

  • 04:57PM