Ismiidaamin lagu weerarey Masjid oo galaaftay tobanaan ruux

Image

BAGHDAD, Iraq – Tobanaan ruux ayaa ku dhimatay markii qarax lagu beegsaday Masjid ay Shiicadu leedahay oo ku yaala caasimada Ciraaq ee Baghdad, maanta oo Jimco ah, sidda uu Boolisku sheegay.

Weerarka ayaa lagu ekeeyay Masjidka Imam Mahdi al-Muntadhar oo ku yaala xaafadda Baladiyat, kuna dhow degmada caanka ah ee Sadr City, intii lagu guda jira Salaadii Jimcaha ee maanta.

Naftii hore isku soo dejiyey walxo qarxa ayaa isku miidaamiyey Masaajidka, sidda ay wakaaladda wararka Turkiga ee Anadolu Agency kasoo xigtay Axmed Khalaf oo ah sarkaal ka tirsan Booliska.

Mr Axmed ayaa daboolka ka qaadey in dhacdadaasi ay ku geeriyoodeen tobban oo shacab ah ayna ku dhaawacmeen tobanaan kale.

Balse warar kale ayaa intaasi ku daraya in waxyeeladda dhimashada ee weerarkaasi ay gaareyso todoba, balse ay sii kordhi karto.

Ma jirto illaa iyo hadda koox dusha saaratay mas'uuliyadda is-miidaamintaasi wallow looga bartay xoogaga Daacish.

Dalka Ciraaq oo kasoo kabanaya colaado muddo jira ayaa waxaa ka dhaca dilal iyo qaraxyo xili ciidamo caalami ah ay ku howlan yihiin sidii wadanka looga sifin lahaa kooxaha dowlada kasoo horjeeda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shiinaha oo soo bandhigay awooddiisa ciidan xilli xiisad kala dhaxayso Mareykanka

Ciidamadeennu waa kuwo u taagan ilaalinta midnimada dhulka Shiinaha, ilaalinta danaha qaranka, iyo xasilinta gobolka.

  • Caalamka

    04-09-2025

  • 08:53AM

Trump: “Kama walwalsani isbaheysiga Shiinaha iyo Ruushka ee ka dhan ah Maraykanka”

Trump, oo ololihiisa doorashada ku saleynaya ballanqaadka inuu si degdeg ah u soo afjari doono dagaalka Ruushka ee Ukraine.

  • Caalamka

    03-09-2025

  • 06:42AM