Israel: Shimon Peres oo geeriyooday

Image

Waxaa xalay waddanka Israel Ku geeriyooday rug cadaa Siyaasadeed oo xilal kala duwan kasoo qabtay dalkaasi.

Ninkan oo lagu magacaabo Shimon Peres ayaa da'diisu ahayd 93 sano, waxaana la dhigay cusbitalka labo usbuuc ka hor, xilligaasi oo uu soo ritay xanuunka faaligga ama stroke-ga.

Peres ayaa ugu dambeeyay siyaasiyiin goob joog u ahaa marxaladihii dalkaasi soo maray, isagoo xilal kasoo qabtay xukuumado kala gedisan oo dalkaasi soo maray.

Wuxuu soo taagnaa doorna kulahaa aas-aaskii Israel sanadkii 1948-kii. 

Labo jeer waxa uu noqday Ra'iisal wasaare, xilligii ugu dambeeyayna waxa uu ahaa madaxweynaha dalkaas.

Sanadihii ugu horreeyay, waxa Peres loo arkayay dagaal ooge balse 1990-meeyadii waxa uu door muhiim ah ka qaatay heshiis siyaasadeed oo israa'iil ay la gashay Falastiyiniinta.

Wuxuu helay Abaalmarinta Caalamiga ah ee loo yaqaano Nobel-ka.

Xukumadda Netenyahu, ayaa tacsi ka dirtay geerida Ku timid Peres, iyagoo sheegay inay tabi doonaan hogaamintii ninkan geeriyooday.

GAROWEONLINE

Related Articles

Soomaaliya oo kamid noqotay 75 dal oo saameeyay go'aan cusub oo Trump soo saaray

Liiska dalalka waxaa ku jira waddamo ka kala tirsan qaaradaha Afrika, Aasiya, Latin America, Bariga Dhexe iyo Yurub.

  • Caalamka

    15-01-2026

  • 06:32PM

Araghchi: Ma jiro qorshe lagu daldalayo dibadbaxayaal, Trump-na wuu joojiyay weerarka

Trump ayaa arrintan ka hadlay saacado kaddib markii Mareykanku bilaabay in uu ka saaro qaar ka mid ah shaqaalihiisa saldhig ciidan oo ku yaalla Qatar.

  • Caalamka

    15-01-2026

  • 05:28AM