​Itoobiya oo xabsiga ka sii daysay 2,000 oo qof

Image

Xoogagga ammaanka ee dalka Itoobiya ayaa xabsiga ka sii daayay ilaa iyo 2,000 oo qof oo isbuucyadii la soo dhaafay la xiray, sida ay ku warantay warbaahinta xiriirka la leh dowladda ee Fana.

Waxaa dadkaasi horay loogu eedeeyey inay ku lug lahaayeen rabshadihii dalkaasi ka dhacay bilooyinkii la soo dhaafay.

Fana oo soo xiganeyso wasiirka difaaca Itoobiya, Siraj Fegessa, ayaa ku warrantay in dadkaasi la sii daayay ka dib markii sida ay hadalka u dhigtay ay ka waantoobeen khaladaadkii ay ku kaceen.

Wasiirka ma sheegin tirada dadka wali ku harsan xabsiyada dowladda.

20-kii bishan October, in ka badan 2,600 oo qof ayaa la xiray iyadoo loo cugsanayo sharciga deg degga ee dalka lagu soo rogay horrantii bishan ka dib markii ay dhaceen dibedbaxyo lagu diidan yahay dowladda.

Kooxaha Mucaaradka ayaa dalbanaya in la siiyo xorriyad dhinaca siyaasadda ah .

Waxaa dalka Itoobiya ka talinyay xsibiga EPRDF tan iyo sanaddii 1991.

Kooxah xuquuqda aadanaha ayaa horay u sheegay in 500 oo qof ay ku dhinteen dibedbaxyadii socday isbuucyadii la soo dhaafay.

Dadka ololeeya ee ka tirsan qawmiyadaha Oromo iyo Amxaarada ayaa ka cawda in siyaasadda laga gacan bidixeeyay. Oromada iyo Amxaarada waa 60% bulshada ku dhaqan dalka waxaanay ka cawdaan in awoodu gacanta ugu jirto dabaqad yar oo ka tirsan qawmiyadda Tigray-ga.

BBC

Related Articles

Wadahadalladii Iran iyo Mareykanka oo dib u dhacay kadib duqeyn Israa’iil ka fulisay Lubnaan

Wararka ayaa sheegay in askar iyo saraakiil looga dilay, loogana dhaawacay weerarka Xisbullah ku qaadey Ciidamada Israel ee koonfurta Lubnan.

  • Caalamka

    19-06-2026

  • 08:40AM

Safarka JD Vance ee Switzerland oo dib u dhacay, iyadoo xiisado cusub ay hareeyeen heshiiska Mareykanka iyo Iiraan

Vance ayaa maalmihii la soo dhaafay si xooggan u difaacayay heshiiska ay kala…

  • Caalamka

    19-06-2026

  • 07:19AM