Xukuumadda Jabuuti oo ka hadashay rabshad dad ku dhinteen

Image

22 December, 2015(GO)-Dowladda Jabuuti ayaa ka hadashay dagaal shalay 21 December, dhexmaray ciidamada amniga dalkaas iyo koox Suufiyaal dhigayay xuska shiikh lagu magacaabo Yoonis Muuse.

Xukuumadda ayaa sheegtay in rabshadaas lagu dilay 7 ruux isla markaan lagu dhaawacay 23 qof rayid ah iyo 50 katirsan ciidamada ammaanka dalkaasi.

Wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda Jabuuti Maxamud Cali Yusuf ayaa sheegay inay wanaagsantahay xaaladda caafimaad dadkii ku waxyeelloobay dagaalka, isagoo xusay in 17 ruux oo sideed ka mid ah katirsanyihiin ciidankooda ku jiraan cusbitalka.

Maxamud oo waraysi siiyay Wakaaladda wararka AFP, ayaa xaqiijiyay tirada dadkaasi, wuxuuna tilmaamay in dad rayid ah soo weerareen ciidamadooda.

Arrintan waxaa si kaduwan uga hadlay mucaaradka Jabuuti iyo goob joogayaal ku sugnaa halka rabshaddu ka dhacday, waxayna sheegeen in dhimashadu gaarayso 19, weerarkana soo qaadeen ciidamada Boliiska dalkaasi.

Xaaladda magalada Caasimadda ah ee Jabuuti ayaa dagan, waxaana socda baaritaano dowladda sheegtay inay ku xaqiijinayso sida wax u dhaceen.

GAROWEONLINE

Related Articles

Turkiga, Pakistan iyo Sacuudiga oo Ka Wada Hadlaya Heshiis Difaac

Harraj ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters in hindisaha heshiiskan saddex-..

  • Caalamka

    16-01-2026

  • 07:54AM

Soomaaliya oo kamid noqotay 75 dal oo saameeyay go'aan cusub oo Trump soo saaray

Liiska dalalka waxaa ku jira waddamo ka kala tirsan qaaradaha Afrika, Aasiya, Latin America, Bariga Dhexe iyo Yurub.

  • Caalamka

    15-01-2026

  • 06:32PM