Jair Bolsonaro: Madaxweynaha Brazil oo beeniyey in laga helay Coronavirus

Image

BRASILIA, Brazil – Madaxweynaha Brazil, Jair Bolsonaro, ayaa beeniyey in laga helay Coronavirus markii wargeyska The Guardian uu daabacay in laga helay cudurkaas.

Arrintaan ayaa imaaneysa xili xoghayaha warbaahinta ee Bolsonaro laga helay cudurkaas kadib socdaal uu ku tegay Mareykanka.

Bolsonaro oo qoraal soo dhigay bartiisa gaarka ah ee Facebook ayaa warar aan waxba jirin ku tilmaamay sheegashooyinka laga faafiyey.

Wiilkiisa Eduardo Bolsonaro oo ka tirsan Aqalka Sare kaasoo qeybka ahaa safarka, ayaa Twitter-ka kusoo qoray in aabihiisa "aysan kasoo ifbixin calaamad muujineysa in uu la nool yahay cudurkaas".

Fariin kale oo uu soo dhigay wuxuu muujiyey in uu sugayo natiijada hubinta labaad markii uu caddeeyay in baaritaanka ku socda aabihii uusan wali dhamaan.

Bolsonaro ayaa Sabtidii wuxuu la casheeyay Donald Trump. Iyaddoo uu wehliyo xoghayihiisa, Sawirro lagu faafiyey baraha bulshadda waxay muujiyeen iyagoo ku dhow Trump.

"Ma qabo walaac," sidaas waxaa Khamiistii warbaahinta u sheegay Trump kadib markii su'aal la geliyey badqabkiisa ama caafimaadkiisa.

Warbaahinta Mareykanka ayaa ku warantay in Aqalka Cad uu shir degdeg ah ka yeelan doono xaqiiqada laga soo wariyey Bolsonaro

Arbacadii ayay ahayd markii Bolsonaro uu hoos u dhigay sheegashooyinka ku saabsan in uu ku dhacay xanuunkaas dilaaga ah.

"Dad badan ayaa u dhintay [hadalheynta]. Walaaca ku saabsan Coronavirus waa mid laga badbadiyey," ayuu hadalkiisa kusoo koobay hogaamiyaha.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo ku dhawaaqay go'aan cusub oo ku saabsan dagaalka Iran

Xiisadda gobolka ayaa cirka isku shareertay maalintii Axadda ka dib markii Israa’iil ay duqaysay caasimadda Lubnaan ee Beirut.

  • Caalamka

    09-06-2026

  • 09:06AM

Wararkii ugu dambeeyay dagaalka Israa’iil iyo Iiraan 

Milatariga Israa’iil ayaa sheegay in duqeymaha Lubnaan ay jawaab u ahaayeen gantaallo ay Xisbullah ku ridday dhulka Israa’iil.

  • Caalamka

    08-06-2026

  • 08:45AM