Jarmalka oo hakiyay qaxootiga imaanaya dalkiisa

Image

13 September, 2015(GO)-Dowladda Jarmalka ayaa sheegtay inay hakinayso qaxootiga soo galay waddankeeda ee ka imaanaya dalka Austria.

Tareenada isaga goosha labada dal ayaa si kumeel gaar ah loo hakiyay, waxaana dawladda Jarmalku samaysay kantarool lagu ogaanayo dadka soo galaya dalkaasi.

Arrintan waxaa shaaciyay wasiirka arrimaha dibadda dalka Jarmalka Thomas de Maiziere, lamana oga sababta keentay in la joojiyo qaxootiga.

Midowga Yurub aya ku kala aragti duwan qaabilaada qaxootiga tirada badan ee soo galaya wadamada Yurub, Jarmalka ayaana ahaa waddanka kaliye ee ku dhawaaqay inuusan hakin doonin qaxootiga, waxaana dalkiisa yimi in ka bada 450,000 qaxooti ah.

Sabtidii la soo dhaafey waxaa dalkaasi galay in ka badan 13, 000 waana sababta loo aanaynayo in Jarmalku hakiyo qaxootiga.

Ilaa hadda ma istaagin qul-qulka qaxootiga oo waxaa safar lugta ah ku jira kumaan ka yimi waddanka Austria.

Qaxootiga galaya Yurub ayaa la kulma dhibaatooyin kala duwan intay ku guda jiraan safarkooda, waxaana ka mid ah jirdil loo gaysto, Qaboow iyo Qaajo.

GAROWEONLINE

Related Articles

Giorgia Meloni iyo Amiirka Qatar oo ka wada hadlay dhibaatada ka dhalatay xirnaanshaha Hormuz

Meloni ayaa booqashadan ku tagtay Qatar maalin Sabti ah, waana joogteeda labaad ee safar ay ku mareyso gobolka oo ka bilowday Sucuudiga.

  • Caalamka

    04-04-2026

  • 06:15PM

Iran oo soo riday diyaarad, duuliye Mareykanka oo la raadinayo

Tehran ayaa kaga jawaabtay weerarro diyaarado aan duuliye lahayn iyo gantaallo ah oo lagu beegsaday Israa’iil, iyo sidoo kale Urdun.

  • Caalamka

    03-04-2026

  • 06:19PM