Jinsiyada ninkii geystay toogashadii Holland oo la shaaciyay

Image

UTRECHT, Holland - Saddex ruux ayaa lagu dilay markii toogasho ay ka dhacday goobta tareenada laga raaco oo ku taalla magaaladda Utrecht ee dalka Hollanad, sida uu sheegay duqa magaaladaasi.

Sagaal qof kale ayaa lagu waramayaa ku dhaawacantay weerarkaasi oo uu Booliska ku tilmaamay "fal argagixiso."

Booliska ayaa ugaarsanaya nin 37-sano jir ah oo u dhashay Turkiga, oo magaciisa Gokmen Tanis, lana rumeysan in uu geystay toogashadaasi.

Dadka ayaa looga digay in ay ka akdhowadaan ninkaan, kaasi oo wali aan la ogayn hadii uu guud wadanka Holland ka baxay.

Goobaha waxbarashada ayaa la xiray, iyada oo sare loo qaaday howlgalada la dagaalanka argagaxisada oo la doonayo in lagu soo qabto dableygaasi.

"Meesha kama saari karno in falku ahaa mid argagaxiso," ayuu yiri Pieter-Jaap Aalbersberg, isu-duwaha howlgalada la dagaalanka argagixisada Holland.

Pieter ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay in dableyga ay gacanta kusoo dhigi doonan, inkasta oo uusan qaban waqti cayiman.

"Ma cadda wali goobta lagu tuhmayo…laakiin si adag ayaan u shaqeyn doonaa si aan u soo helno xaqiiqada," ayuu xusay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Geerida Professor Jason Arday oo Dhalisay Dood Ku Saabsan Hab-dhaqanka Warbaahinta Britain

Qoyskiisa ayaa ku tilmaamay nin dabacsan oo naxariis badan, mar walbana dadka wanaagooda ka eegi jiray.

  • Caalamka

    16-08-2026

  • 04:53AM

Maxkamad ku taalla Israa’iil oo hakisay qorshe xabsiga Ketziot lagu hareereynayo yaxaasyada

Xabsiga Ketziot, oo ku yaalla koonfurta Israa’iil, ayaa lagu hayaa maxaabiis Falastiiniyiin ah, oo ay ku jiraan dad laga qabtay Marinka Gaza.

  • Caalamka

    15-08-2026

  • 02:46PM