Jinsiyada ninkii geystay toogashadii Holland oo la shaaciyay

Image

UTRECHT, Holland - Saddex ruux ayaa lagu dilay markii toogasho ay ka dhacday goobta tareenada laga raaco oo ku taalla magaaladda Utrecht ee dalka Hollanad, sida uu sheegay duqa magaaladaasi.

Sagaal qof kale ayaa lagu waramayaa ku dhaawacantay weerarkaasi oo uu Booliska ku tilmaamay "fal argagixiso."

Booliska ayaa ugaarsanaya nin 37-sano jir ah oo u dhashay Turkiga, oo magaciisa Gokmen Tanis, lana rumeysan in uu geystay toogashadaasi.

Dadka ayaa looga digay in ay ka akdhowadaan ninkaan, kaasi oo wali aan la ogayn hadii uu guud wadanka Holland ka baxay.

Goobaha waxbarashada ayaa la xiray, iyada oo sare loo qaaday howlgalada la dagaalanka argagaxisada oo la doonayo in lagu soo qabto dableygaasi.

"Meesha kama saari karno in falku ahaa mid argagaxiso," ayuu yiri Pieter-Jaap Aalbersberg, isu-duwaha howlgalada la dagaalanka argagixisada Holland.

Pieter ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay in dableyga ay gacanta kusoo dhigi doonan, inkasta oo uusan qaban waqti cayiman.

"Ma cadda wali goobta lagu tuhmayo…laakiin si adag ayaan u shaqeyn doonaa si aan u soo helno xaqiiqada," ayuu xusay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidanka Suuriya oo ku dhawaaqay in ay guulo ka gaareen dagaalka Aleppo

Bayaanka ayaa sidoo kale lagu sheegay in ciidanku “bilaabeen hawlgallo lagu xaqiijinayo ku fidinta madaxbannaanida qaranka.

  • Caalamka

    10-01-2026

  • 08:00AM

Madaxii Jabhadda STC ee Yemen oo u baxsaday Imaaraadka Carabta, isagoo sii maray Somaliland

Isbahaysiga Sucuudiga hoggaamiyo ayaa jawaab uga bixiyey arrintaas duqeymo…

  • Caalamka

    08-01-2026

  • 06:17AM