John Kerry oo Paris ku dhaawacmey

Image

May 31, 2015 (GO)- Xog-hayaha Arrimaha Dibadda Maraykanka ayaa isbitaal loo qaaday kadib markii uu lug ka jabay.

Kerry ayaa ku dhaawacmey shil uu ku galay baaskiil isagoo ku sugan magaalada Paris ee xarunta dalka France.

Af-hayeen u hadlay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Maraykanka ayaa sheegay in xaaladda Jonh Kerry xilligan wanaagsan tahay islamarkaana lagu dabiibayo isbitaal ku yaalla magaalada Geneva.

Xog-hayaha Arrimaha Dibadda ee Mraykanka ayaa dalka Switzerland uga qayb geli lahaa shir looga hadlayo barnaamijka hubka nukliyeerka ee Iran.

Kerry oo ah ruug caddaa siyaasi ah islamarkaana muddo dheer kusoo jirey aqalka odayaasha Maraykanka, sanadkii 2004na u tartameymadaxtinimada, wuxuu xilliyada firaaqada aad u xiiseeyaa baaskiil wadista.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Iran oo Trump ku tilmaantay “Beenlow Weyn”

Trump ayaa wararkaas ku tilmaamay “khiyaali” ama “been-abuur”, isaga oo diiday in maamulkiisu uu Tehran u sameeyay dalab noocaas ah.

  • Caalamka

    29-09-2026

  • 11:17AM

Imaaraadka oo xaqiijiyey kulanka Netanyahu iyo Madaxweyne MBZ

Wakaaladda wararka rasmiga ah ee Imaaraadka, WAM, ayaa Isniintii…

  • Caalamka

    29-09-2026

  • 05:57AM