Kala qayb-sanaan soo kala dhex-gashay hogaamiyeyaasha Yurub

Image
Image
Image

BRUSSELS, Belgium – Marka hore waxay ahayd coddeynta, haddase waa "tartakii taajka," hogaamiyeyaasha Yurub ayaa wajahaya kala qayb-sanaan weyn.

Madaxda ayaa isku haysa jagooyinka ugu sareeya Golaha Baarlamaanka Yurub, taasoo doorashadeeda ay qabsoonto todobaadkii hore.

Cod-bixintaasi waxaa ku sameysay xulufooyin cusub oo wata dano iska soo horjeeda, taasoo adkeynaysa tartanka xilalka sare.

Wadaxaajoodyo arrimahaasi lagu gorjeynayo ayaa durba bilowday, kuwaasi oo u dhaxeeya madaxda 28-ka dal ay qaarada ka kooban tahay.

Xilalka ugu culus ee hogaamiyeyaasha wadamada isku hayaan waxaa kamida madaxweynaha golaha midowga Yurub.

Jagadaasi oo ah tan fulinta ayaa waxay mas'uul ka tahay soo saaritaanka sharciyadda cusub iyo uruurinta dakhliga.

Murashaxinta jagadaasi qabaneysa ayaa waxaa soo xulaya hogaamiyeyaasha dowladaha Yurub ee xubinta ka ah Golaha, si gaar ah kuwa aqlabiyada ugu badan ka helay baarlamaanka doorashadii u dambeysay.

Jarmalka iyo Faransiiska ayaa la sheegayaa in ay yihiin dalalka ugu weyn ee ku loolamaya xilkaan, waxaana la filayaa in wadahadalka albaabada u xiran ee arrintaan daaran go’aan looga gaari doono cida noqoneysa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Zohran Mamdani oo la filayo inuu noqdo Duqa ugu horreeya ee Muslim ah ee New York: Taariikh cusub 

Mamdani wuxuu ku dhashay Kampala, caasimadda Uganda, sanadkii 1991. Waalidkiis waxay asal ahaan ka soo jeedaan Hindiya.

  • Caalamka

    26-06-2025

  • 10:26AM

Trump: Weerarkii Mareykanka ee Iran waxuu la mid ahaa duqeyntii Hiroshima iyo Nagasaki

Diblomaasiyiin badan iyo falanqeeyayaal siyaasadeed ayaa sheegay in isbarbardhigga Trump u sameeyay Hiroshima.

  • Caalamka

    25-06-2025

  • 11:23AM