Kallumaysato u badan Hindi oo lagu diley duqeyn ka dhacday Yemen

Image

08 September, 2015(GO)-Sida laga soo xiganayo ilo wareedyo ku sugan Bariga Yemen ayaa sheegaya in la dilay ugu yaraan 22 ruux oo kalluumaysato ah.

Weerarka oo ay ku dhinteen kallumaysato u badnaa Hindi ayaa ka dhacay Xeebta al-Xudeyda ee Bariga dalkaasi, waxaana geystay Xulafada uu hogaaminayo Suciidiga ee duqaynta ka wada dalkaasi Yemen.

Sida ay muujinayaan Sawirro lagu faafiyay baraha Internet-ka, dadka weerarka ku dhintay ayaa dhammantood ahaa kallumaysato waxayn jillabanayeen Kalluun iyagoo watay labo doonyood.

Masuul u hadlay wasaaradda arimaha dibadda ee dalka Hindia ayaa sheegay inuusan soo gaarin war sheegaya dhimashada muwaadiniintooda.

Dalka Hindia ayaa safaaradii uu ku lahaa Yemen waxaa la xiray bishii April ka dib markii ay kala baxeen muwadiniintoodii ku sugnaa dalkaasi. 

Garowe Online ayaa sidoo kale ogaatey in ka badan 20 weerar cirka ah in lala beegsaday hogaamiyaal ka tirsan isbahaysiga Xuutiyiinta, kuwaasi oo ku sugnaa wadada isku xirta Xeebta al-Xudeyda iyo magaalada Taiz.

GAROWEONLINE

Related Articles

Israel oo taliye sare iyo askar looga dilay weerar ka dhacay koonfurta Lubnaan

Wasaaradda caafimaadka Lubnaan ayaa dhankeeda sheegtay in ugu yaraan 18 qof ay ku dhinteen duqeymo ay fuliyeen ciidamada Israel.

  • Caalamka

    19-06-2026

  • 12:11PM

Wadahadalladii Iran iyo Mareykanka oo dib u dhacay kadib duqeyn Israa’iil ka fulisay Lubnaan

Wararka ayaa sheegay in askar iyo saraakiil looga dilay, loogana dhaawacay weerarka Xisbullah ku qaadey Ciidamada Israel ee koonfurta Lubnan.

  • Caalamka

    19-06-2026

  • 08:40AM