Kallumaysato u badan Hindi oo lagu diley duqeyn ka dhacday Yemen

Image

08 September, 2015(GO)-Sida laga soo xiganayo ilo wareedyo ku sugan Bariga Yemen ayaa sheegaya in la dilay ugu yaraan 22 ruux oo kalluumaysato ah.

Weerarka oo ay ku dhinteen kallumaysato u badnaa Hindi ayaa ka dhacay Xeebta al-Xudeyda ee Bariga dalkaasi, waxaana geystay Xulafada uu hogaaminayo Suciidiga ee duqaynta ka wada dalkaasi Yemen.

Sida ay muujinayaan Sawirro lagu faafiyay baraha Internet-ka, dadka weerarka ku dhintay ayaa dhammantood ahaa kallumaysato waxayn jillabanayeen Kalluun iyagoo watay labo doonyood.

Masuul u hadlay wasaaradda arimaha dibadda ee dalka Hindia ayaa sheegay inuusan soo gaarin war sheegaya dhimashada muwaadiniintooda.

Dalka Hindia ayaa safaaradii uu ku lahaa Yemen waxaa la xiray bishii April ka dib markii ay kala baxeen muwadiniintoodii ku sugnaa dalkaasi. 

Garowe Online ayaa sidoo kale ogaatey in ka badan 20 weerar cirka ah in lala beegsaday hogaamiyaal ka tirsan isbahaysiga Xuutiyiinta, kuwaasi oo ku sugnaa wadada isku xirta Xeebta al-Xudeyda iyo magaalada Taiz.

GAROWEONLINE

Related Articles

Turkiga, Pakistan iyo Sacuudiga oo Ka Wada Hadlaya Heshiis Difaac

Harraj ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters in hindisaha heshiiskan saddex-..

  • Caalamka

    16-01-2026

  • 07:54AM

Soomaaliya oo kamid noqotay 75 dal oo saameeyay go'aan cusub oo Trump soo saaray

Liiska dalalka waxaa ku jira waddamo ka kala tirsan qaaradaha Afrika, Aasiya, Latin America, Bariga Dhexe iyo Yurub.

  • Caalamka

    15-01-2026

  • 06:32PM