Kazakhstan: Dadka ku dhintay burburka diyaarad milatari

Image

NUR-SULTAN, Kazakhstan – Afar qof ayaa dhimatay labo kalena waa ay dhaawacmeen markii diyaarad militari ay burburtay xilli ay isku dayeysay in ay ku degto magaalada ugu weyn Kazakhstan ee Almaty, sida ay saraakiil sheegeen.

"Sida ku xusan xogta hordhaca ah, afar qof ayaa dhimatay, laba kalena waxaa loola cararay isbitaalka ugu dhow," ayaa lagu yiri bayaan ay Sabtida maanta ah soo saartay wasaaradda xaaladaha degdegga ah.

Illaa haatan, lama shaacin sababta dhabta ah ee keentay shilka diyaaradeed. Qoraalka wasaaradda laguma caddeyn hadii baaritaan la sameyn doono.

Diyaaradda ayaa ku sii jeeday magaalada Almaty iyadoo ka soo kicitintay magaalada caasimada ah ee Nur-Sultan, sidda ay sheegtay wasaarada wadankaasi ku yaala bartamaha qaaradda Aasiya.

Wakaaladda wararka Ruushka ee Interfax ayaa soo warisay in diyaaradda uu lahaa guddiga amniga qaranka ee Kazakhstan, kaasoo bedelay hay’addii sirdoonka Soofiyeeti ee KGB kaasoo maamulayey howlaha xuduudaha dalkaas.

Bishii Diseembar 2019, tobanaan ka mid ah ku dhowaad boqol qof oo rakaab ah ayaa ku dhintey shil diyaaradeed oo ka dhacay isla garoonkaas diyaaradeed.

Shirkadda diyaaradaha ee Bek Air oo duulimaadka waday ayaan tan iyo wixii ka dambeeyay dhacdadaas ka sameyn duulimaad, iyaddoo sanadkii hore lagala noqday ruqsad taasoo ku qasabtay in si guud ay shaqada joojiyaan diyaaradaheeda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo Ku Dhawaaqay Dhammaadka Dagaalka Iran, Israa’iil oo lagala tashan

Horumarkan ayaa imaanaya iyadoo toddobaadyadii la soo dhaafay ay jireen iska horimaadyo iyo xiisado sii kordhayay oo u dhexeeyay Mareykanka.

  • Caalamka

    12-06-2026

  • 12:20PM

Trump oo ku dhawaaqay go'aan cusub oo ku saabsan dagaalka Iran

Xiisadda gobolka ayaa cirka isku shareertay maalintii Axadda ka dib markii Israa’iil ay duqaysay caasimadda Lubnaan ee Beirut.

  • Caalamka

    09-06-2026

  • 09:06AM