Kenya: guddoomiyihii Garisa oo la eryey iyo saraakiil la xirxirey

Image

April 22, 2015 (GO)- Dowladda Kenya ayaa shaqada ka joojisey guddoomiyihii deegaanka Gaarisa, Njenga Miiri waxaa sidoo akle xabsiga loo taxaabay shan sarkaal oo ka tirsanaa ciidamada booliska.

Wararka Gaariska laga helayo ayaaa sheegaya in saraakiishan lagu  soo eedeeyey inay wax ka ogaayeen weerarkii Al-shabaab dhowaan la beegsatey Jaamacadda Gaarisa.

Guddoomiyihii deegaanka Gaarisa Njenga Miiri ee shaqada laga joojiyay ayaa horay waxaa uu madax uga ahaa deegaanka xeebta ee Lamu, halkaasoo horay Al-Shabaab u weerartay, kuna dishay ilaa 60 qof.

Dowladda Kenya ayaa dhowrkii todobaad ee u dambeeyay qaaday tallaabooyin ay uga jawaabeysay weerarkii Jaamacadda Gaarisa.

Militeriga Kenya ayaa duqeeyey goobo fariisin u ahaa Al-shabaab oo ku yaal Soomaaliya, dad badan oo laga shekiyey ayaa la xirey waxay sidoo kale Kenya xanibtey 86 akoon oo ay lahaayeen shaqsiyaad iyo shirkado Soomaali u  badan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Israel oo taliye sare iyo askar looga dilay weerar ka dhacay koonfurta Lubnaan

Wasaaradda caafimaadka Lubnaan ayaa dhankeeda sheegtay in ugu yaraan 18 qof ay ku dhinteen duqeymo ay fuliyeen ciidamada Israel.

  • Caalamka

    19-06-2026

  • 12:11PM

Wadahadalladii Iran iyo Mareykanka oo dib u dhacay kadib duqeyn Israa’iil ka fulisay Lubnaan

Wararka ayaa sheegay in askar iyo saraakiil looga dilay, loogana dhaawacay weerarka Xisbullah ku qaadey Ciidamada Israel ee koonfurta Lubnan.

  • Caalamka

    19-06-2026

  • 08:40AM