​Kenya: Nin katirsan Al Shabaab oo dilay lix askari

Image

Ugu yaraan lix askari oo booliis ah oo uu ka mid yahay taliye saldhig ayaa ku dhintay weerar ay Alshabaab ka gaysatay waqooyiga galbeed ee dalka Kenya.

Qofka ugu wayn ee looga shakisan yahay weerarka ayaa ka baxsaday saldhig booliis oo ku yaala Kapenguria.

Waa weerarkii koobaad ee la sheegay in Al-shabaab ay ka gaysteen gobolka galbeedka.

Ninka laga shakisanyahay ayaa magaciisa lagu sheegay Mwalimu Omari, waxaana la xiray labo maalmood ka hor isaga oo looga shakiyay in uu dhallinyaro qorayay oo uu barayay sida hubka loo isticmaalo.

Amin habeen ah ayay u suurtagashay in uu qori ka xoogo askari booliis ah isaga oo qaar ka mid ah laayay una baxay banaanka.

Booliisku waxay sheegeen in uu galay meesha saree ee waardigu fariisto uuna halkaas xabbado badan ka soo riday askar kalana laayay.

Wararkii u dambeeyay ee laga helayo goobtaasi waxay sheegayaan in la dilay hadda qofkii dhibkaasi gaystay.

BBC

Related Articles

Soomaaliya oo kamid noqotay 75 dal oo saameeyay go'aan cusub oo Trump soo saaray

Liiska dalalka waxaa ku jira waddamo ka kala tirsan qaaradaha Afrika, Aasiya, Latin America, Bariga Dhexe iyo Yurub.

  • Caalamka

    15-01-2026

  • 06:32PM

Araghchi: Ma jiro qorshe lagu daldalayo dibadbaxayaal, Trump-na wuu joojiyay weerarka

Trump ayaa arrintan ka hadlay saacado kaddib markii Mareykanku bilaabay in uu ka saaro qaar ka mid ah shaqaalihiisa saldhig ciidan oo ku yaalla Qatar.

  • Caalamka

    15-01-2026

  • 05:28AM