Kenya oo baahisey sawirrada xubno Al-shabab ah oo la raadinayo

Image

July 8, 2015 (GO)- Dowladda Kenya ayaa shaacisay magacyada lix nin oo la raadinayo kuwaas oo la sheegay inay ka tirsan yihiin Ururka Al-shbaab.

Laanta Sirdoonka iyo La-dagaalanka Argagixisda ee Kenya (ATPU) ayaa shalay oo Talaado ahayd baahisey sawirrada nimankan, waxaana ciddii soo gudbisa macluumaad sahlaya qabashadooda loo ballan qaadey abaal-marin lacageed.

ATPU ayaa sheegtay in nimankan la rumeysan yahay inay ku dhuumaaleysanayaan magaalooyinka waaweyn ee Kenya gaar ahaan magaalada Nairobi, balse laamaha ammaanku ku daba joogaan.

Dadka wax falanqeeya ayaa ku doodaya in sawirrada la shaaciyey laga soo jaray muuqaal video ah oo ciidamada Kenya ka heleen jeebka sawir-qaadihii Al-shabab ee lagu diley hawlgalkii bil kahor ciidamada Kenya ka fuliyeen jaziiradda Lamu.

Waa markii labaad muddo labilood gudahood ah ee dowladda Kenya ay shaaciso sawirrada xubno Al-shabab ka tirsan oo u dhashay dalka kenya, islamarkaana abaal-marin lacageed u ballan qaado cidii soo gudbisa xog raggaas ku saabsan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Iran oo Trump ku tilmaantay “Beenlow Weyn”

Trump ayaa wararkaas ku tilmaamay “khiyaali” ama “been-abuur”, isaga oo diiday in maamulkiisu uu Tehran u sameeyay dalab noocaas ah.

  • Caalamka

    29-09-2026

  • 11:17AM

Imaaraadka oo xaqiijiyey kulanka Netanyahu iyo Madaxweyne MBZ

Wakaaladda wararka rasmiga ah ee Imaaraadka, WAM, ayaa Isniintii…

  • Caalamka

    29-09-2026

  • 05:57AM