Kenya oo ka hadashay weerar lagu qaaday ciidamadooda Somalia

Image

16 January, 2016(GO)-Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenya ayaa kahadlay weerar shalay 15 January, 2016, ururka Al-Shabaab ku qaaday xero milateri oo ciidadamada waddankaasi ku leeyihiin Somalia.

Uhuru ayaa cadeeyay in ladilay diro katirsan askartooda, wuxuuna tilmaamay inaysan aragagax galin doonin islamarkaana sii joogayaan gudaha Somalia.

Dhiigga ciidamadooda ayuu xusay inuusan noqon doonin mid la hilmaamay, balse ugaarsan doonaan ayaga iyo xulafadooda kooxda Al-Shabaab meel kasta oo ay ku suganyihiin.

Hadalka Madaxweynaha Kenya ayaa yimi kadib markii mallayshiyaad katirsan Al-Shabaab weerar loo adeegsaday baabuur afar gaaraysa oo laga soo buuxiyay walxaha qarxa lagu qaaday saldhig ay lahaayeen deegaanka Ceelcadde ee gobolka Gedo.

Dagaalkaas ayaa waxaa kasoo baxay warar iskhilaafsan oo ku aadan tirada rasmiga ah ee lagu dilay, waxaana kooxda Al-Shabaab sheegteen dilka 63 askari, halka guddoomiye ku xigeenka gobolka Gedo Maxamed Xuseen Isaaq, uu VOA-da u sheegay in 35 illaa 40 askari oo Kenyan ah lagu dilay weerarka.

GAROWEONLINE

Related Articles

Riyaalka Iran oo Qiimo-dhac Taariikhi ah Wajahaya, $1 oo Dhaafay 2 Milyan oo Riyaal

Riyaalka ayaa Isniintii ku dhacay qiyaastii 2.02 milyan oo Riyaal halkii doollar, sida lagu sheegay xogta suuqa lacagaha aan rasmiga ahayn.

  • Caalamka

    24-08-2026

  • 01:02PM

Uganda iyo Burundi oo khibrad u leh howlgalka Soomaaliya oo Ciidan u diraya Gaza

Sarkaal ka tirsan milatariga Uganda oo xog u haya qorshaha ayaa sheegay in ciidamo hadda la xulayo si loogu diro Gaza.

  • Caalamka

    24-08-2026

  • 05:39AM