​Kenya: Raila Odinga oo ka digay in Qaxootiga la celiyo

Image

Hoggaamiyaha isbahaysiga mucaaradka Kenya ee Cord, Raila Odinga ayaa ka hadlay go'aanka xukuumadda dalkaasi ku doonayso inay ku celiyaan qaxootiga ku jiray xerada Dhadhaab oo ay ku jiraan Qaxootiga ugu badan Africa.

Odinga, oo khudbad u jeedinayay dadka ku nool gobolka Waqooyi Bari Kenya, ayaa sheegay inay aad u adagtahay waqtigan in dadka Soomaaliyeed lagu celiyo dalkooda iyadoo aan loo ballanqaadin amni ku filan iyo hoy ay dagaan.

"Waad ogtihiin waxa maalin kasta la laayaa ciidamadeena, kawarama dad shacab ah?. Taas waxaa u malaynayaa waa in dil loo kaxaynayo... Kahor intaan qaxootiga la celin waxaa dowladda Kenya mas'uuliyad ka saarantahay qaabkii dadkaasi loogu samayn lahaa hoy, "Ayuu yiri hogaamiyaha mucaaradka Kenya.

Wuxuu dowladda ugu baaqay inay ka laabato fikirkeeda islamarkaana dadkan kasoo cararay dhibaatada iyo amni xumada mudada dheerna ku noolaa dalkaasi aysan ku celin meel aan amnigeedu fadhin.

Hadalkan, ayaa kusoo beegmay xilli dowladda Kenya ay qorshaynaysay sidii dadka xeradaasi ku jira loogu celin lahaa dalalkooda sababo ay ugu yeereen amni darro kasoo wajahday iyo xaaladdooda oo ku dabo dheeraatay.

Xerada Qaxootiga Dhadhaab ayaa waxaa ku sugan qaxootiga ugu badan caalamka, waxaana ku xaraysan in kabadan 300, 000 Soomali qaxay waqtigii la tuuray hogaamiyihii xukuumaddii Mileteriga Maxamed Siyaad Barre.

GAROWEONLINE

Related Articles

Trump oo diiday inuu booqdo Israa’iil xili uu xumaaday xiriirkii kala dhaxeeyay Netanyahu 

Eldar ayaa intaas ku daray in tallaabadan ay calaamad u tahay isbeddel weyn oo ku yimid xiriirka taariikhiga ah ee Mareykanka iyo Israa’iil.

  • Caalamka

    15-05-2025

  • 04:47AM

Trump oo hurumarka ka muuqda Riyadh ku amaaney Maxamad Bin Salman

Trump wuxuu ku sheegey in horumarka ka muuqda Sacuudiga iyo magaalooyinka kale…

  • Caalamka

    14-05-2025

  • 12:06PM