Kenya: sirdoonka oo ka digey weerar ka yimaada dhanka Al-shabab

Image

March 2, 2015 (GO)- Ammaanka dalka Kenya ayaa si weyn loo adkeeyey kadib markii laamaha sirdoonka ee dalkaasi xog hoose ku heleen in ururka Al-shabaab uu qorsheynayo weerar uu la beegsado xarunta barlamanka Kenya ee magaalada Nairobi.

Taliyaha booliska Kenya Samuel Arachi ayaa u sheegay wargeyska The Nation in xogta la helay muujineyso weerar is-miidaamin ah oo loo adeegsanayo gaari kaaso la qorsheeyey in lala beegsado dhismaha barlamanka Kenya.

Samuel Arachi ayaa intaas ku daray in ciidamada ammaanku gacanta ku dhigeen ugu yaraan labo iyo toban qof oo lagu soo eedeeyey inay weerarkaas wax ka ogyihiin xiliganna baaritaan lagu wado.

Al-shabaab oo bishii hore baahisey barnaamij muuqaal ah oo laga diyaariyey werarkii Westgate Mall ayaa ku gooddidey inay kordhin doonto weerarrada ay ka geysaneyso gudaha Kenya ilaa inta Kenya la baxayso ciidamada ka jooga Soomaaliya.

Al-shabaab ayaa sidoo kale ku hanjabtey inay weerari doonto suuqyada waaweyn ee ku yaalla dalalka Britain, Canada iyo Maraykanka.

Kenya waxaa Soomaaliya ka jooga kumannaan askari oo qayb ka ah ciidamada ka socda Midowga Afrika ee hawlgalka nabad ilaalinta ee AMISOM ka wada dalka Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Iran oo Diyaar u Ah in ay Xaddido Barnaamijka Nukliyeerka Haddii Cunaqabataynta La Qaado

Baghaei ayaa sheegay in wadahadallada hay’adda ilaalinta nukliyeerka ay dhowaan sii socon doonaan.

  • Caalamka

    19-08-2025

  • 11:08AM

Trump oo damaanad-qaaday amniga Ukraine Haddii Heshiis Nabadeed Laga Gasho Ruushka

Marka la eego arrimaha amniga, caawimo badan baa jiri doonta," ayuu Trump u sheegay warfidiyeenka.

  • Caalamka

    19-08-2025

  • 08:33AM