Kenya: xildhibaan ka tirsan barlamanka oo Nairobi lagu dhaawacey

Image

March 22, 2015 (GO)- Xildhibaan ka tirsan barlamanka Kenya ayaa xalay lagu dhaawacay magaalada Nairobi.

Afar nin oo wejiga soo duubtey ayaa xildhibaankaas oo lagu magacaabo Edick Anyanga lagana soo deerto deegaanka Nyatike, waxay kusoo weerareen gurigiisa oo ku yaalla jidka Ngong ee degmada Karen.

Dhowr xabadood ayey madaxa iyo qaarka sare ee jirka kaga dhufteen, waxaana dhaawicisiisa la geeyey Aga Khan Hospital halkaasoo xilligan xaaladiisa caafimaad lagula tacaalayo.

Ilaa iyo hadda lama aqoosan kuwa weerarka geystey, balse saraakiisha booliska ayaa sheegay inay ku raad joogaan dhowr qof oo laga shekiyey.

Xildhibaanka la dhaawacayey ayaa maalmihii u dambeeyey waxay warbaahinta maxalliga ah ee Kenya aad u hadal haysey inuu musuq maasuq ku kacay islamarkaana laaluush ka qaatey mas'uuliyiin ka tirsan dowladda.

February 7, 2015 ayey ahayd markii isla magaalada Nairobi lagu diley xildhibaan ka tirsanaa barlamanka Kenya kaasoo lagu magacaabi jirey George Muchai.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo Ku Hanjabay Canshuuro Cusub oo ka Dhan ah Yurub, Kuna Xiray Arrinta Greenland

Trump, oo marar badan muujiyay rabitaankiisa ah in Mareykanku la wareego Greenland …

  • Caalamka

    17-01-2026

  • 06:32PM

Turkiga, Pakistan iyo Sacuudiga oo Ka Wada Hadlaya Heshiis Difaac

Harraj ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters in hindisaha heshiiskan saddex-..

  • Caalamka

    16-01-2026

  • 07:54AM