Gaarisa: khasaaraha oo maraya 65 isugu jirta dhaawac iyo dhimasho

Image

April 2, 2015 (GO)- Faah faahin dheeri ah ayaa kasoo baxaysa weerar goor hore oo saaka ah dabley hubeysan oo la rumeysan yahay inay Al-shabaab ka tirsan yihiin kusoo qaadeen jaamacadda Garissa ee gobolka waqooyi bari Kenya.

Af-hayeen u hadlay ururka Laanqeyrta Cas ee Kenya ayaa u sheegay BBC-da in khasaaraha weerarku marayo ilaa iyo hadda 65 qof oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Kooxda weerarka soo qaaddey ayaa weli ku jirta gudaha jaamacadda, waxayna haystaan tobannaan qof oo ardey u badan iyo qaar kamid ah macallimiintii jaamacaddaas wax ka dhigayey.

Ciidamada militeriga ayaa ku hareeraysan goobta, waxaana ilaa hadda la maqlayaa rasaas goos goos ah.

Qaar kamid ah ardeydii weerarka ka badbaadey ayaa warbaahinta uga sheekeeyey wixii arkeen, waxayna sheegeen in kooxda jaamacadda soo weerartey tiradoodu ahayd ugu yaraan shan nin oo si aad u hubeysan.

Ardeydu waxay sidoo kale sheegeen in dableydu dadka u kala saarayeen muslim iyo kuwo aan muslim ahayn.

Faah faahin dheeri ah kala soco Garowe Online...

GAROWE ONLINE

Related Articles

Pakistan oo sheegtay inay soo riday diyaarado dagaal oo India leedahay

Dowladda Hindiya weli kama aysan hadlin sheegashada Pakistan, iyadoo xiisadda u dhexeysa labada dal ay cirka isku shareertay mar kale.

  • Caalamka

    07-05-2025

  • 01:27PM

Trump oo Dhimaya 20% Tirada Jeneraalada Sare ee Ciidamada Mareykanka

Hegseth oo muuqaal soo dhigay barta X (horey Twitter) ayaa sheegay in siyaasaddan cusub ee uu ugu magac daray.

  • Caalamka

    06-05-2025

  • 07:33AM