Khasaaro xoogan oo ka dhashay dhul-gariir ka dhacay bariga Turkiga

Image

ANKARA, Turkey – Dhul-gariir cabirkiisu dhan yahay 6.7 oo Jimcadii ruxay bariga Turkiga ayaa dilay 14 ruux xili ay ku dhaawacmeen in ka badan 300, sidda ay xaqiijiyeen mas'uuliyiin.

Saraakiisha ayaa tilmaamay in musiibadan rabaaniga ah ay sidoo kale burburisay tobanaan dhismeyaal ah.

Badbaadiyeyaal ayaa lagu waramay in ay ku howlan yihiin sidii ay u soo samatabixin lahaayeen dad ku go'doonsan dhismeyaal.

Sidda ay sheegtay Hay'adda ka hortaga Musiibooyinka, dhul-gariirka ayaa abaare labadii fiidnimo waqtiga Turkiga laga dareemay magaaladda Sivrice ee gobolka Elazig.

"Kadib dhul-gariirka waxaa xigay dhul-ruxan badan," ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay hay'addaas.

Elazig ayaa qiyaasitii 465 miles waxay jihadda bari ka xigtaa magaaladda caasimadda ah ee Ankara.

Sanadkii 2010-kii, dhul gariir ka dhacay isla gobolka Elazig ayaa galaaftay nolosha 51 qof.

Laba dhul-gariir oo culus kuwaasoo Waqooyi Galbeed ee Turkiga ka dhacay 1999-dii ayaa sababay dhimashada 18,000 ruux, waana tiradii ugu badneyd ee musiibo noocaan ah ugu geerito.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo ku dhawaaqay go'aan cusub oo ku saabsan dagaalka Iran

Xiisadda gobolka ayaa cirka isku shareertay maalintii Axadda ka dib markii Israa’iil ay duqaysay caasimadda Lubnaan ee Beirut.

  • Caalamka

    09-06-2026

  • 09:06AM

Wararkii ugu dambeeyay dagaalka Israa’iil iyo Iiraan 

Milatariga Israa’iil ayaa sheegay in duqeymaha Lubnaan ay jawaab u ahaayeen gantaallo ay Xisbullah ku ridday dhulka Israa’iil.

  • Caalamka

    08-06-2026

  • 08:45AM