Kuwait oo bedeshay Aadanka xili ay hakisay salaadaha jameecadda ah

Image

KUWAIT CITY, Kuwait – Muslimiinta ku nool Kuwait ayaa la faray in ay Salaada ku oogaan guriga, halkii ay ka aadi lahaayeen Masjidka. Tani waxaa lala xiriiriyey cabsida laga qabo faafitaanka Coronavirus.

Illaa iyo haatan, Kuwait waxaa laga xaqiijiyey 104 kiis oo xanuunkaas ah, iyaddoo laga cabsi qabo in ay tiradda intaas ka badato.

Wasaaradda Arrimaha Diinta iyo Awqaafta waddankaas ayaa shaacisay in ay si ku meel gaar ah u hakiyeen salaadaha jameecada.

Warbaahinta ayaa waxay sheegtay in ay tahay markii ugu horeysay oo Kuwait ay ku dhaqaaqdo talaabo noocaas ah.

Iyaddoo laga duulayo xayiraaddaas, waxaa isbedel lagu sameeyay Aadaanka, halkii ahayd 'Xayya cala Salaat' ama 'ukaalaya salaada' waxaa loo rogay 'Astalaatu fiibaytikum' ama 'Salaada ku ooga guryihiina'.

Wallow la mamnuucay salaada jameecada, Masaajida waxa loo fasaxay in ay Aadaamaan. Muuqaalo muujinaya isbedelkaas ayaa qabsaday baraha ay bulshaddu kulanto sidda Facebook iyo Youtube.

Talaabadan ay xukuumada Kuwait xustay in ay kula dagaalameyso faafitaanka caabuqa waxaa ka dhashay hadalheyn gilgilay dunida Carabta.

Kuwait ma noqonayso dalkii koowaad ee mamnuuca salaadda jameecada. Ciraaq iyo Iiraan waxay qaadeen talaabo noocaas ah, inkastoo Sacuudi Carabiya dadka wali ku tukan karaan masaajida kala duwan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo ku dhawaaqay go'aan cusub oo ku saabsan dagaalka Iran

Xiisadda gobolka ayaa cirka isku shareertay maalintii Axadda ka dib markii Israa’iil ay duqaysay caasimadda Lubnaan ee Beirut.

  • Caalamka

    09-06-2026

  • 09:06AM

Wararkii ugu dambeeyay dagaalka Israa’iil iyo Iiraan 

Milatariga Israa’iil ayaa sheegay in duqeymaha Lubnaan ay jawaab u ahaayeen gantaallo ay Xisbullah ku ridday dhulka Israa’iil.

  • Caalamka

    08-06-2026

  • 08:45AM