Kuwait oo yeelatay Amiir cusub kuna dhawaaqdey baroor-diiq 40 cahso ah

Image

KUWAIT CITY, Kuwait – Sheikh Nawaf Al Ahmed Al Sabah ayaa waxaa loo magacaabay amiirka cusub ee Boqortooyadda Carbeed ee Kuwait.

Sideeetan iyo saddex jirkan si ku meelgaar ah loogu wareejiyey qaar kamid ah awoodihii dastuuriga 18-kii July markii Amiirka dhintay loo qaadey Isbitaal ayaa jagada dhaxal-sugaha loo dhaariyey sanadkii 2006.

Sheekh Sabaax Al Axmed ayaa maanta ku geeriyooday Mareykanka, iyaddoo dowladda ay ku dhawaaqdey baroor-diiq 40 casho ah si lamid ah saddex maalmood oo ay xirnaan doonan xafiisyada xukuumada.

Afhayeenka baarlamaanka Kuwait, Marzouq Al Ghanim, ayaa tilmaamay in Amiirka cusub la dhaarin doono maalinta berri oo Arbaco ah.

Amiirka cusub oo ay walaalo yihiin Sheekh Sabaaxa dhintay ayaa horey u soo qabtay xilalka Wasiiradda Arrimaha Gudaha iyo Difaaca.

Kadib faragelintii Ciraaq ee 1990-kii, Sheekh Nawaf waxaa uu la wareegay xilka Wasiirka Shaqaalaha iyo Arrimaha Bulshadda, jagadaas oo uu ku fadhiyey illaa 1992-dii. Mudadii u dhaxeysay 1994 iyo 2003, wuxuu ku magacownaa taliye ku xigeenka ciidamadda gaarka ah ee Ammaanka Qaranka.

Doorkiisa xasiloonida iyo ammaanka Khaliijka waxaa lagu sheegay mid aad u sareysa isla markaana kaalin firfircoon uu ka cayaaray kulamadii Ururka Iskaashiga Khaliijka ee ujeedkoodu ahaa iska caabinta khataraha.

Waqti xaadirkan, wuxuu haystaa iskoor ama lama-dhaafaan gaar ah taasoo ah in uu yahay dhaxal-sugaha ugu da'da weyn guud ahaan caalamka dhan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Iran Oo U Ogolaatay Maraakiibta Malaysia Inay Ka Gudbaan Marinka Hormuz

Ra’iisul wasaaruhu ma uusan faahfaahin tirada maraakiibta ka gudubtay marinka, ama shuruudaha lagu siiyay marin ammaan ah.

  • Caalamka

    27-03-2026

  • 07:54AM

Trump Oo Ka Fikiraya Inuu 10,000 Askari Kale U Diro Bariga Dhexe

Warbixinno ayaa tilmaamaya in ciidamada dheeraadka ah ay taageeri karaan difaaca saldhigyada Mareykanka.

  • Caalamka

    27-03-2026

  • 07:36AM