Laba Soomaali ah oo ku dhaawacmay dagaal ka dhacay waddanka Malta

Image

VALLETTA, Malta – Laba ruux oo Soomaali ah ayaa ku dhaawacantay gacan-qaad labadooda ku dhexmaray magaaladda St Julian’s ee wadanka Malta.

Taliska Booliska ayaa shaaciyey in dagaalka uu labadaan ruux dhexmaray fiidnimadii Talaadda, 18-kii Febraayo, 2020.

Illaa iyo haatan lama ogga waxa dhaliyey dagaalkooda, balse laamahaa amaanka waxay ku waddaan baaris. Toorey ayaa la sheegay in a isu adeegsadeen.

Midkood oo 28-sano jir ah ayaa waxaa la tilmaamay in lagu xiray saldhig boolis, halka midka kale oo dhaawac daran uu ku yaalo ayaa Isbitaal la jiifiyey.

Bileyska ayaa ka gaabsaday in ay soo bandhigaan magacyadda iyo muuqaalka shaqsiyaadkaan, maadaama ay soo kabasho ku jiraan.

Malta oo ah waddan ku yaala qaarada Yurub wuxuu marin iyo degaan u noqday sanadihii u dambeeyay Soomaaliya badan.

Kiisaska ay Soomaalida dhexdooda isugu tooreeyaan ayaa sanadihii dambe ku badnaa Malta, iyaddoo aanan wali la ogaan sababta ka dambeysa arrintaas.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo ku dhawaaqay go'aan cusub oo ku saabsan dagaalka Iran

Xiisadda gobolka ayaa cirka isku shareertay maalintii Axadda ka dib markii Israa’iil ay duqaysay caasimadda Lubnaan ee Beirut.

  • Caalamka

    09-06-2026

  • 09:06AM

Wararkii ugu dambeeyay dagaalka Israa’iil iyo Iiraan 

Milatariga Israa’iil ayaa sheegay in duqeymaha Lubnaan ay jawaab u ahaayeen gantaallo ay Xisbullah ku ridday dhulka Israa’iil.

  • Caalamka

    08-06-2026

  • 08:45AM