Libya: safaaradaha Morocco iyo Koonfur Kuuriya oo la weeraray

Image

April 13, 2015 (GO)- Labo weerar ayaa shalay lala beegsadey safaaradaha dalalka Morocco iyo Koonfurta Kuuriya ku leeyihiin caasimadda Libya ee Tripoli.

Dabley hubaysan oo gaari yar la socdey ayaa rasaas ku furey bar-kantarool oo ku taalla bannaanka hore ee safaaradda dalka Koonfur Kuuriya.

Labo qof oo midkood rayid ahaa ayaa werarkaas ku dhintey qof kalena wuu ku dhaawacmey. Dableyda weerarka fulisey waxaa u suuragashay inay durbadiiba goobta ka baxsadaan.

Dhanka kale, bam ayaa ku qarxay irridka safaaradda dalka Morocco ku leeyahay Tiripoli, weerarkaas cidna wax kuma noqon marka laga reebo burbur soo gaarey dhowr gaari oo bannaanka hore ee safaarradad yaalley.

Labadan weerar mas'uuliyaddooda waxaa sheegatey koox xagjir ah oo xiriir dhow laleh ururka Daacish ee fadhigiisu yahay dalka Ciraaq.

Xaaladda ammaan ee dalka Libya ayaa ahayd mid qasan laga soo bilaabo sanadkii 2011, markaasoo kacdoon dhiig badani ku daatey xukunka looga tuurey madaxweynihii hore Muammar Gaddafi.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Iran oo Trump ku tilmaantay “Beenlow Weyn”

Trump ayaa wararkaas ku tilmaamay “khiyaali” ama “been-abuur”, isaga oo diiday in maamulkiisu uu Tehran u sameeyay dalab noocaas ah.

  • Caalamka

    29-09-2026

  • 11:17AM

Imaaraadka oo xaqiijiyey kulanka Netanyahu iyo Madaxweyne MBZ

Wakaaladda wararka rasmiga ah ee Imaaraadka, WAM, ayaa Isniintii…

  • Caalamka

    29-09-2026

  • 05:57AM