Madaxa FIFA, Sepp Blatter oo xilka iska casiley [DAAWO]

Image

Madaxa FIFA, Sepp Blatter ayaa ku dhawaaqay in uu ka degayo xilka guddoomiyenimada hay'adda maamusha kubadda cagta adduunka.

Mr Blatter ayaa kaga dhawaaqay go'aankiisa shir jaraa'id oo uu ku qabtay magaalada Zurich.

Waxay ku soo beegmaysaa lix maalmood kadib markii FBI ay weerartay hoteel ku yaalla Zurich oo ay xirtay dhowr ka mid ah saraakiisha FIFA.

Wuxuu sheegay in kulan aan caadi ahayn la qaban doono si loo soo xusho qofka badali doon.

Afar maalmood ka hor ayaa Mr Blatter dib loo doortay mar shanaad.

Blatter, ayaa ahaa 79 sano jir ah, wuxuuna maamulayay ururkan tobanaan sano. Wuxuu sheegay in shir deg deg ah ay FIFA yeelan doonto.

DAAWO KHUDBADII OO ISKU CASILEY OO DHAMEYSTIRAN

Xigasho:BBC

Related Articles

Israel oo taliye sare iyo askar looga dilay weerar ka dhacay koonfurta Lubnaan

Wasaaradda caafimaadka Lubnaan ayaa dhankeeda sheegtay in ugu yaraan 18 qof ay ku dhinteen duqeymo ay fuliyeen ciidamada Israel.

  • Caalamka

    19-06-2026

  • 12:11PM

Wadahadalladii Iran iyo Mareykanka oo dib u dhacay kadib duqeyn Israa’iil ka fulisay Lubnaan

Wararka ayaa sheegay in askar iyo saraakiil looga dilay, loogana dhaawacay weerarka Xisbullah ku qaadey Ciidamada Israel ee koonfurta Lubnan.

  • Caalamka

    19-06-2026

  • 08:40AM