Madaxa ka hortaga musuq maasuqa Nigeria oo la casilay

Image

10 November, 2015(GO)-Madaxweynaha dalka Nigeria ayaa casilay madaxa ka hortagga musuq-maasuqa dalkaasi Ibrahim Lamorde, waxaana arrintaasi loo aanaynayaa arrimo la xiriira wax is-daba marin.

Lamorde ayaa guddoomiye ka ahaa guddiga dambiyada dhaqaalaha iyo maaliyadda tan iyo 2011, waxaana soo dhaweyay in meesha tallaabadan oo ku dhaqaagay Madaxweyne Buhari in badan oo ka mid ah bulshada reer Nigeria.

Buhari, ayaa doorashadii March dhacday ku galay in dalkiisa ka saari doono musuq maasuq hareeyay siyadda dalkaasi, wuxayna taasi dhalisay inu muddo shan bilood ah qaadato soo xulista golihiisa wasiirada oo la dhaarin doono todobaadkan.

GAROWEONLINE

Related Articles

Turkiga, Pakistan iyo Sacuudiga oo Ka Wada Hadlaya Heshiis Difaac

Harraj ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters in hindisaha heshiiskan saddex-..

  • Caalamka

    16-01-2026

  • 07:54AM

Soomaaliya oo kamid noqotay 75 dal oo saameeyay go'aan cusub oo Trump soo saaray

Liiska dalalka waxaa ku jira waddamo ka kala tirsan qaaradaha Afrika, Aasiya, Latin America, Bariga Dhexe iyo Yurub.

  • Caalamka

    15-01-2026

  • 06:32PM