Mareykanka oo dhaawac xooggan gaarsiiyey Iran

Image

TEHRAN, Iran - Taliye katirsanaa Ciidamada ilaalada kacaanka Iran, General Qassem Soleimani, ayaa aroortii hore ee maanta oo jimcaha ah lagu dilay duqeyn cirka ah oo ka dhacday garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Magaalada Baqdaad, sida ay sheegeen Saraakiisha Ciraaq.

Abu Mahdi al-Muhandis, oo ahaa taliye ku-xigeenkii Maleeshiyaadka Ciraaq ee ay taageerayaan Iran ee Ciidamada Dhaqdhaqaaqa Caanka ee Ciraaq, ayaa sidoo kale la dilay

Gantaal ayaa la sheegay in lagu dhuftay kolonyadooda xilli ay marayeen agagaarka garoonka diyaaradaha. Saraakiisha ayaa sheegay in tirada guud ee khasaaraha aysan caddeyn, laakiin la rumeysan yahay in ugu yaraan toddobo qof ay dhimatay.

Madaxweyne Trump ayaa bixiyay amarka lagu dilay taliyaha ciidamada Iran.

Aayatul Cali Qumanii ayaa ku hanjabay in Mareykanka uu la kulmi doono "aargoosi aad u xanuun badan".

Qudus ahaa ah unug ka mid ah Ilaalada Kacaanka Iran. Shaqadeeda ugu weynina waa inay ka fuliso hawlgal militari meel ka baxsan dalka Iran.

Malleeshiyaadka Shiicada Ciraaq ayaa xiriir dhow la leh Iran oo lagu eedeeyay weerarkii Talaadadii lagu qaaday safaaradda Mareykanka ee Baqdaad.

Safaaradda Mareykanka ee magaaladda Baqdaad ayaa ugu baaqday dhamaanka muwaadiniinta Amerikanka ah inay si deg-deg ah uga baxaan Ciraaq, cabsi laga qabo inay la kulmaan weerarada aargoosiga Iran.

VOA + GO

Related Articles

Iran Oo U Ogolaatay Maraakiibta Malaysia Inay Ka Gudbaan Marinka Hormuz

Ra’iisul wasaaruhu ma uusan faahfaahin tirada maraakiibta ka gudubtay marinka, ama shuruudaha lagu siiyay marin ammaan ah.

  • Caalamka

    27-03-2026

  • 07:54AM

Trump Oo Ka Fikiraya Inuu 10,000 Askari Kale U Diro Bariga Dhexe

Warbixinno ayaa tilmaamaya in ciidamada dheeraadka ah ay taageeri karaan difaaca saldhigyada Mareykanka.

  • Caalamka

    27-03-2026

  • 07:36AM