Madaxtooyadda Ruushka oo beenisay warar laga faafiyey Vladimir Putin

Image

MOSCOW, Russia - Madaxtooyadda Ruushka ayaa si kulul waxay u beenisay warbixinada ku saabsan in madaxweyne Vladimir Putin uu bisha Janaayo, 2021-ka isu casilayo "caafimaad daro soo wajahdey".

Dmitry Peskov, afhayeenka Kremlin-ka oo warfidiyeenka u warmay Jimcadii, ayaa wuxuu xusay in hogaamiyaha dalkiisa uu badqabo, isagoo wararkaas ku qeexay kuwa aanan macno badan lahayn.

Wargeyska The Sun ayaa wariyey in Putin ay qoyskiisa iyo jaceylkiisa Alina Kabaeva ku booriyeen shaqo ka tagid markii baareyaal ay xaqiijiyeen "in uu la noolyahay cudurka Parkinson kadib daraasad ay ku aameeyeen muuqaal muujiyey isagoo lugahiisa iyo gacmahiisa u dhaqaajinaya si aan ku talogal ahayn".

Jaraa'idkan kasoo baxa Ingiirka ayaa soo xigtay illo wareedyo uusan magacaabin kuwaasoo uu ka dhawaajiyey in ay xog-ogaal u leeyihiin dhaqdhaqaaqa Kremlin-ka iyo guud ahaan xaaladda Putin.

Sheegashooyinkan ayaa imaanaya xilli baarlamaanka Ruushka uu horyaalo sharci dhamaan madaxweyneyaashii soo maray dalkaas siinaya xasaanad ah in aan la dacweyn karin marka xafiiska faarujiyaan.

Raashiyaanka ayaa horey ugu coddeeyay afti isbedel loogu sameynayo dastuurka. Talaabadaas waxay dhabaha u xaareysaa in Putin uu mar kale u tartamo madaxtinimada coddeynta soo aadan.

Putin oo markii ugu horeysay la doortey 2000 ayaa noqdey hogaamiyihii ugu waqtiga dheeraa guud ahaan madaxdii soo martay Russia ama Midowgii Soofiyeeti. Tani waxay siineysaa maamuus isaga u gaar ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Iran Oo U Ogolaatay Maraakiibta Malaysia Inay Ka Gudbaan Marinka Hormuz

Ra’iisul wasaaruhu ma uusan faahfaahin tirada maraakiibta ka gudubtay marinka, ama shuruudaha lagu siiyay marin ammaan ah.

  • Caalamka

    27-03-2026

  • 07:54AM

Trump Oo Ka Fikiraya Inuu 10,000 Askari Kale U Diro Bariga Dhexe

Warbixinno ayaa tilmaamaya in ciidamada dheeraadka ah ay taageeri karaan difaaca saldhigyada Mareykanka.

  • Caalamka

    27-03-2026

  • 07:36AM