Madaxwaynaha Gambia oo qirtay in laga guulaystay

Image

Gudoomiyaha guddiga doorashooyinka ee Gambia ayaa sheegay in Yahya Jammeh uu qirtay in lagaga guulaystay doorashadii Khamiistii dhacday. Wuxuu intaas ku daray in ay ahayd wax aan la saadaalin karin in hogaamiyaha Gambia uu qirto in lagaga guulaystay doorashada ka hor shaacinta natiijooyinka rasmiga ah. 

Natiijada doorashadan ayaan dad badan ka yaabisay. Ilaa iyo hadda Yahya si toos ah isagu ugama hadlin natiijada hordhaca ah ee tilmaamaysa in uu ka codad yaryahay Adama Barrow oo ah hogaamiyaha mucaaradka.

Ninkan ayaa helay 45% codadkii la dhiibtay. Yahya ayaa awooda Gambia afgambi kula wareegay sanadkii 1994-tii. 

Dalkaas galbeedka Afrika kuyaalla awooda si sahlan loolama kala wareegin tan iyo markii uu xornimada helay 1965-tii.

Kooxaha xuquuqda aadanaha ayaa ku eedeeyay Mr Jammeh inuu geystay tacaddiyo. Wuxuu horay u sheegay inuu daweyn karo AIDS_ka iyo dhalmo la'aanta.

Xigasho: BBC


Related Articles

Iran oo afar maalmood hakisay xarun koronto oo Britain ku taalla kadib weerar dhanka internet-ka ah

Dhacdadan ayaa la rumeysan yahay inay dhacday xilli weerarro kale oo dhanka internetka ah lagu qaaday kaabayaasha biyaha ee Mareykanka.

  • Caalamka

    23-08-2026

  • 05:41AM

Israa’iil: Ma Doonayno Dagaalka Turkiga, Balse “Xariiqdii Cas” Waa Laga Gudbay

Danjiraha ayaa sheegay in Israa’iil ay weli diyaar u tahay inay Turkiga la hadasho sidii looga fogaan lahaa dagaal toos ah.

  • Caalamka

    20-08-2026

  • 08:14PM