Madaxweynah Maraykanka oo taageeray tallaabada Turkiga ee diyaaradda

Image

25 November, 2015(GO)-Madaxweynaha dalka Maraykanka Brack Obama, ayaa taageeray go'aanka Turkigu shalay ku soo riday diyaarad uu Rushku leeyahay oo soo gashay hawada dalkaasi, waxaana lagu soo riday xadka ay la wadaagaan Suuriya.

Obama, oo khadka telefonka kula hadlay dhigiisa Turkiga Recep Tayyip Erdogan, ayaa u sheegay inay xaq u leeyihiin difaacidda dalkooda, wuxuuna ugu baaqay in la dajiyo xiisadda ka dhalatay arrintaasi.

Madaxweynaha Rusia Putin, oo ka hadlay tallaabadaasi ayaa muujiyay hanjabaad ka dhan ah arrintan, wuxuuna ka digay cawaaqib xumo ka dhalata.

Balse Ruushka iyo Maraykanka ayaa dhinacooda, waxaa u dhaxeeya xurguf ku aadan arrinta Suuriya, maadama Ruushku wado duqaymo ka dhan ah Daacish, halka USA ka soo horjeedo iyadoo sheegaysa in lagu waxyeellaynayo dad shacab ah.

Marka laga yimaado taageerada Maraykan, waxaa jira baaqyo kala duwan oo ka soo baxay Qaramada Midoobay iyo ururka NATO, kuwaasi oo ka digay inay xaaladdu sii ballaarato.

Shalay ayay ahayd markii diyaarad dagaal oo Ruushku leeyahay lagu soo riday xadka Suuriya iyo Turkiga, waxaan saraakiisha amniga dalkaasi sheegeen inay ku soo xad gudubtay hawada Turkiga kana dhaga adaygtay digniino la siiyay.

GAROWEONLINE

Related Articles

Iran oo soo riday diyaarad, duuliye Mareykanka oo la raadinayo

Tehran ayaa kaga jawaabtay weerarro diyaarado aan duuliye lahayn iyo gantaallo ah oo lagu beegsaday Israa’iil, iyo sidoo kale Urdun.

  • Caalamka

    03-04-2026

  • 06:19PM

CC Warsame: Xasan Sheekh wuxuu rabaa doorasho isaga tartame iyo garsoore ka yahay

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa xusay in tallaabadani ay calaamad u tahay marxalad halis ah oo uu dalku galay.

  • Caalamka

    02-04-2026

  • 03:54PM