Madaxweynaha dalka Mareykanka oo booqan doona dalka Itoobiya

Image

Barack Obama ayaa noqon doona madaxwaynihii ugu horeeyay ee Maraykan ah oo isaga oo xilhaya booqda dalka Itoobiya sida laga sheegay aqalka cad ee Maraykanka.

Obama waxa uu u safri doonaa magaalada caasimadda ah ee Addis Ababa dhamaadka bisha lixaad ee sanadkan.

Dalka itoobiya waxa uu kala hadli doonaa waxyaabo ay ka mid yihiin, dardar galinta kobaca dhaqaalaha, xoojinta dimuqraadiyadda, iyo sidii sare loogu qaadilahaa ammaanka, sidaasi waxaa sheegay xoghaya saxaafada ee aqalka cad ee looga arrimiyo Maraykanka.

Socdaalkaas kahor waxa uu booqan doonaa dalka Kenya safarkaas oo horay loo sii shaaciyay, Kenya waa dalkii uu aabihii ka soo jeeday.

Safarkana waxa uu noqon doonaa kii ugu horeeyey oo isaga oo madaxweyne ah uu ku booqdo dalkaasi.

Hogaamiyaha Maraykanka waxa uu Kenya kaga qaybgalayaa shir ku saabsan hal abuurka ganacsiga.

Obama waxa uu horay u booqday dalaka Ghana, Masar, Senegal, Tanzania iyo Koonfur Afrika.

XIGASHO: BBC

Related Articles

Iran oo Trump ku tilmaantay “Beenlow Weyn”

Trump ayaa wararkaas ku tilmaamay “khiyaali” ama “been-abuur”, isaga oo diiday in maamulkiisu uu Tehran u sameeyay dalab noocaas ah.

  • Caalamka

    29-09-2026

  • 11:17AM

Imaaraadka oo xaqiijiyey kulanka Netanyahu iyo Madaxweyne MBZ

Wakaaladda wararka rasmiga ah ee Imaaraadka, WAM, ayaa Isniintii…

  • Caalamka

    29-09-2026

  • 05:57AM