Madaxweynaha dalka Turkiga oo cunaqabateyn lagu soo rogayo

Image

WASHINGTON, US – Laba mudane oo ka tirsan Aqalka Sarre ee waddanka Mareykanka ayaa Arbacadii waxay soo bandhigeen soo jeedin ku aadan in cunaqabateyn lagu soo rogay qaranka Turkiga.

Talaabadan ayaa kusoo aadeysa iyadda oo Ankara ay ka bilowday waqooyi barri Suuriya weeraro ka dhan ah falaagadda PKK/YPG.

Dunida ayaa waxay aad u cambaareysay howlgalkaas oo mas’uuliyiinta Turkigu ula baxeen magaca "Howlgalkii Faafinta Nabadda".

Lindsey Graham oo ka tirsan Jamhuuriga iyo Chris Van Hollen oo dimoqraadiga ah ayaa dalbaday in xayiraadan ay ku raacdo dowladooda.

Dadka lagu beegsanayo talaabadan cusub ayaa waxaa ku jira madaxweyne Recep Tayyip Erdogan iyo hanti fara badan oo u taala Mareykanka.

Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa sheegeysa in soo jeedinta ay qayb ka tahay in xayiraad lagu soo rogo dal ku galka [visaha] Turkiga.

Intaas waxaa wehlisa xayiraadyo ka dhan ah taageerada milatariga, shirkadaha Tamarta Turkiga. Si lamid ah, mamnuucida warbixinada ay is-dhaafsadaan xoogaga Mareykanka iyo Turkiga.

Ugu dambeyntii, waxay mudaneyaasha ay soo jeediyeen in Mareykanka uu qaadaco in Turkiga soo iibsado nidaamka difaaca sawaariida Ruushka, iyo cunaqabateyn ka dhan ah arrintaas.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sacuudiga oo Masar u diiday inay ku biirto isbahaysiga difaaca ee cusub

Sida ay ilo-wareedyadu sheegeen, Riyadh ayaa sii kordhaysa niyad-jab ay ka qabto dowladda Madaxweyne Abdel Fattah al-Sisi.

  • Caalamka

    14-08-2026

  • 07:42AM

Netanyahu iyo Trump oo isku khilaafsan tallaabo cusub oo ka dhan ah Iran

Khilaafka ayaa sidoo kale la xiriira isku dayga Trump ee lagu doonayo in dagaallada Bariga Dhexe la dejiyo.

  • Caalamka

    13-08-2026

  • 06:01PM