​Madaxweynaha Gambia oo Banjul lagu caleemo saarayo

Image

Madaxweynaha cusub dalka Gambia, Adama Barrow ayaa lagu wadaa in lagu caleemo saaro magaalada Banjul ee caasumadda dalkaas kadib markii la doortay dabayaaqadii sannadkii hore.

Xafladda caleemo saarkiisa ayaa lagu lammaaniyay 52 guuradii kasoo wareegtay markii waddankaas oo xornimada helay.

Kumanaan qof ayaa lagu wadaa inay kasoo qayb galaan Caleemo saarka oo ka dhici doonta garoonka ugu weyn ee lagu cayaaro kubadda cagta magaalada Banjul.

Madaxda Africa qaybtood ayaa la saadalinayaa inay kulankaas tagaan islaamrkaana la dabaal dagaan shacabka reer Gambia.

Inkastoo ilaa waqtigaas Gambia yeelatay Saddex Madaxweyne oo qura, hadana waxaa la filayaa inuu Aadama Barrow waji cusub u furo dadka mudada dheer ku jiray gacanta kaligii taliye Yahye Jammeh oo doorashada looga adkaaday.

Barrow waxa bishii hore lagu dhaariyey safaaradda Gambia ku leedahay waddanka dariska la ah ee Senegal ka dib markii hogaamiyihii ka horeeyay diiday inuu xilka wareejiyo.

Mudane Barrow ayaa ballan qaaday in dalkiisa uu ku hagi doono wadada hormarka islamarkaana kasaari doono dhibaatada ay kala kulmeen madaxweynihii waqtiga dheer xukumayay ee Jammeh.

Jammeh waxa lagaga adkaaday doorashadii dhacday bishii Diisember, laakiin xilka wuu isku sii dhejiyey ilaa xoogag ka tirsan ciidamo goboleedka Galbeedka Afrika ay ku dirqiyeen inuu xilka ka dego.

Isbadalkan siyaasadeed waxaa la filayaa in dalkan sahasho sidii uu ugu biiri lahaa ururada caalamiga ah ee ay ka midka yihiin Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah iyo Ururka Barwaaqo Sooranka.

GAROWEONLINE

Related Articles

Araghchi: Ma jiro qorshe lagu daldalayo dibadbaxayaal, Trump-na wuu joojiyay weerarka

Trump ayaa arrintan ka hadlay saacado kaddib markii Mareykanku bilaabay in uu ka saaro qaar ka mid ah shaqaalihiisa saldhig ciidan oo ku yaalla Qatar.

  • Caalamka

    15-01-2026

  • 05:28AM

Ciidamada Mareykan ah oo lagu amray inay ka baxaan saldhigga Al Udeid, Qatar

Saldhigga Al Udeid ayaa ah kan ugu weyn ee Mareykanka ka leeyahay Bariga Dhexe, waxaana ku sugan ku dhawaad 10,000 oo askari.

  • Caalamka

    14-01-2026

  • 12:39PM