Madaxweynaha Iiraan oo weeraray Donald Trump

Image

TEHRAN, Iran – Madaxweynaha Iiraan, Xasan Ruuxaani, ayaa sheegay in uu ku faraxsan yahay in uu Aqalka Cad macsalaameynao Donald Trump oo uu ku qeexay in uu yahay "argagixiso aan sharciga u hogaansamin".

"Uma riyaaqeynayo imaanshiyaha Mr Biden, balse waxaan ku faraxsanahay in Trump uu tagayo," ayuu ku yiri khudbad laga sii daayey telefishinka dowladda isaga oo la hadlayey Golaha Wasiirada Iiraan.

Ruuxaani oo luuqad adag adeegsaday ayaa ku qeexay Trump "madaxweynihii ugu sharci darada badnaa" ee soo mara taariikhda Ameerika.

Weerarkan dhanka afka ah ee Ruuxaani ku qaadey Trump ayaa imaanaya markii madaxweynaha xafiiska faarujinaya ee Mareykanka uu bishii hore soo jeediyey in duqeymo dhanka cirka ah lagu ekeeyo Jamhuuriyada Iran.

Soojeedinta Trump ayaa ka dambeysay markii Qaramada Midoobay ay warbixin ku sheegtay in Iiraan kordhisay bacraminta Nukliyeer-ka.

Maamulka Trump ayaa sidoo kale wuxuu amray dilka Jeneraalkii ugu awooda badnaa ciidamadda Iiraan, Qaasim Suleymaani, kaasoo udub-dhaxaad u ahaa ololaha iyo yoolka Tehran ka leedahay Bariga Dhexe.

Inkasta oo aysan kala caddeyn hadii uu dib ugu laaban doono, xulafada Biden ayaa u arka khatar go'aaka uu Trump kaga baxay heshiiska Nukliyeer-ka ee Mareykanka galay 2018-kii xilligii uu xukunka hayey Barrack Obama.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Iran Oo U Ogolaatay Maraakiibta Malaysia Inay Ka Gudbaan Marinka Hormuz

Ra’iisul wasaaruhu ma uusan faahfaahin tirada maraakiibta ka gudubtay marinka, ama shuruudaha lagu siiyay marin ammaan ah.

  • Caalamka

    27-03-2026

  • 07:54AM

Trump Oo Ka Fikiraya Inuu 10,000 Askari Kale U Diro Bariga Dhexe

Warbixinno ayaa tilmaamaya in ciidamada dheeraadka ah ay taageeri karaan difaaca saldhigyada Mareykanka.

  • Caalamka

    27-03-2026

  • 07:36AM