Madaxweynaha iyo ciidanka France oo madaxa iskula jira

Image

PARIS, France - Xukuumadda Madaxweynaha Faransiiska, Emmanuel Macron, ayaa si caro leh u jawaabtay kadib markii koox ka mid ah askarta ay daabaceen warqad furan oo ay uga digayaan in "dagaal sokeeye" ka dhashay "tanaasulka" ku aaddan "Islaamnimada".

Fariintaan oo qabsatay warbaahinta iyo hadalheynta siyaasadda ayaa imaaneysa toddobaadyo ka dib dhambaal taas la mid ah oo ka timid milatariga ay soo baxdey taasoo gil-gishay gudaha dalkaas.

Warqadda, oo lagu daabacay bogga midigta ee majaladda Valeurs Actuelles goor dambe oo Axadii ah, waxay u qaab u egtahay qormadda soo baxdey bishii hore hase ahaatee waxay u muuqataa in ay qoreen xubno cusub oo da'yar ah kuwaasoo firfircoon.

Wasiirka arrimaha gudaha Gerald Darmanin, oo ay aad isugu dhow yihiin Macron, ayaa Isniintii ku eedeeyay saxiixayaasha aan la magacaabin ee warqadda labaad in ay ka maqan tahay "geesinimadd" halka wasiirka gaashaandhigga Florence Parly ay ku gacan seyrtay inay qeyb ka tahay "qorshe siyaasadeed oo xun".

Raiisel wasaaraha dalkaas Faransiiska, Jean Castex, ayaa dhanka kale u sheegay wargayska Le Parisien in warqadu ay ahayd "xeelad siyaasadeed" oo "ku saleysan xaq ba'an".

Balse, waxaa soo dhaweysay hogaamiyaha midig-fog Marine Le Pen, oo loo arko inay tahay qofka ugu weyn ee Macron la tartamaya doorashada madaxtinimada ee sanadka dambe 2022-ka.

Xukuumadda ayaa warqadii hore waxay sheegtay in ay saxiixeen "saraakiil fara ku tiris ah" kuwaasoo ay tiradooda ku tlmaamtay in ay yihiin ilaa 20 "Jeneraallo howl gab ah".

Taliyaha guud ee ciidamada qalabka sida Faransiiska, General Francois Lecointre, ayaa carabka wuxuu ku adkeeyay in kuwa saxiixayaasha warqadda ay wajihi doonaan ciqaabyo isugu jira "shaqo ka farisin si deg-deg ah ku timaada iyo talaabooyin edbin ah".

Faransiiska oo ah dalka ugu badan ee Yurub ay ku nool yihiin Muslimiinta ayaa haddana waxaa ku badan Islaam-naceybka iyaddoo maamulka Macron uu gaarey heer uu soo saaro sharci ka dhan ah Islaam taasoo lagu sifeeyay in tahay "takoor aan la aqbali karin".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump: Waan ognahay halka uu Khamenei ku sugan yahay, Ma rabno inaan dilno hadda!

Dhinaca kale, Iran ayaa sheegtay in 224 qof lagu dilay, in ka badan 1,000 kalena lagu dhaawacay duqeymaha Israel.

  • Caalamka

    18-06-2025

  • 09:25AM

Netanyahu oo qorsheynaya Dilka Ayatollah Ali Khamenei

Netanyahu wuxuu sheegay in Iran ay rabto “colaad joogto ah” taasoo, sida uu sheegay, keentay in la gaaro xuduudka dagaal nukliyeer ah.

  • Caalamka

    17-06-2025

  • 02:57PM