Frank-Walter waalid sharafeed u noqday gabar Soomaali ah

Image

BARLIN, Germany – Qoys Soomaaliyeed ayaa farxad iyo damaashaad ku jira markii fursad aysan ka war-qabin oo hore-u-socod iyo taariikh cusub dhigeysa ay gabadhooda ka heshay gudaha Jarmalka.

Saynab Jaamac Cali, waa hooyadda sagaal caruur ah, hase ahaatee mid kamid ah hablaheeda ayaa aad u nasiib badan maadaama uu waalid sharareed uu u noqoday madaxweynaha wadankaas.

Germany, dal ku yaala galbeedka Yurub, ayaa dhaqan ahaan hadii reer uu u dhasho cunug 7aad isaga oo muwaadin Jarmalka ah, waxaa adeer sharafeed u noqonaya hogaamiyaha.

Talaabadan oo soo bilaabatay 1949-kii ayaa waxaa tan iyo 2016-ka hogaamiyeyaasha qarankaas ay waalid sharafeed ugu noqdeen 79,825 caruur ah, sidda lagu shaaciyay warbixin.

Fursadaas waxaa iminka hantiyey qoyska uu aabaha u helay Jaamac Cali, kaasi oo rajeynaya in gabadhiisa dhalatay 24-ka bishii June 2019-ka ay heli doonto fursad ka badan muwaadiniinta kale.

Isniintii 30-ka September 2019-ka, madaxweyne Frank-Walter Steinmeier oo qaabilay qoyskan Soomaaliyeed ayaa wuxuu gudoonsiiyey shahaadaro sharafta, lacag iyo hadiyo kale.

"Waxaa adeer sharafeed u noqonaya madaxweynaha iyo kan xiga," ayuu u sheegay VOA-da. "Haa," ayuu ku war-celiyay markii la su'aalay in ay tahay aqoonsashada ay abid jireyso.

Inta la og-yahay qoyskan ayaa noqonayaa reerkii ugu horeeyay ee Soomaaliyeed, kaasi oo ku guuleysta arrintan, wallow ay jiri karaan kuwa kale oo Ubad badan haysta balse aan ka war-hayn.

"Waxay leedahay lamber-sireed ay kala xiriiri karto…maadaama uu adeer u yahay madaxweynaha, waxay ka fursad badan tahay dadka kale ee caadiga ah; dhanka waxbarashada iyo caafimaadka".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump: Weerarkii Mareykanka ee Iran waxuu la mid ahaa duqeyntii Hiroshima iyo Nagasaki

Diblomaasiyiin badan iyo falanqeeyayaal siyaasadeed ayaa sheegay in isbarbardhigga Trump u sameeyay Hiroshima.

  • Caalamka

    25-06-2025

  • 11:23AM

Trump: “Iran iyo Israel way jebiyeen Xabad-joojintii”

Madaxweynaha ayaa sheegay inuu rajeynayay in xabbad-joojin la ilaaliyo, isagoo tilmaamay in Iran ay sameysay waxyaabo khaldan.

  • Caalamka

    24-06-2025

  • 11:15AM