Madaxweynaha Kenya oo dib Nairobi ugu soo laabtay

Image

October 9, 2014 (GO)- Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa goor hore oo maanta ah dib ugu soo laabtay magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya kadib markii uu shalay kasoo hor muuqday maxkamadda caalamiga ah ee dambiyada dagaalka ICC.

Kumannaan dadweyne ah oo watey boorar ay ku qoran yihiin hal-ku-dhigyo soo dhoweyn ah iyo calanka dalkaas ayaa madaxweynaha kusoo dhoweeyey garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Jomo Kenyatta.

Uhuru ayaa labo maalmood kahor u duulay magaalada Hague si uu uga qayb galo dhegeysiga dacwad isaga ka dhan oo maxkamaddu shalay oo Arbaco ahayd furtay. Kahor intii uusan Hague u duulin Mdaxweynaha Kenya wuxuu xilka si kumeel geer ah ugu sii wareejiyey ku-xigeenkiisa William Ruto.

Maxkamadda ICC ayaa  Uhuru Kenyatta iyo mas'uuliyiin kale oo dowladda Kenya ka tirsan kusoo oogtey dambi ah inay galeen gabood-fallo ka dhan ah xuquuqul insaanka kadib doorashadii lagu murmay ee Kenya ka dhacday sanadkii 2007.

Dhageysiga maxkamadda ayaa dib-u-dhac ku yimid kadib markii xeer-ilalainta waydey cadeymo muhiim ah, qareenka Uhuru Kenyatta ayaa dhinaca kale codsadey in eedeyntaan ka dhanka ah madaxweynaha Kenya ICC dib uga noqoto.

Rabshado ka dhashay doorashooyinkii ka dhacey dalka Kenya tan iyo intii u dhexeysey December 2007 ilaa February 2008 ayaa waxaa ku geeriyoodey in ka badan 1000 qof.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hoggaamiyaha Xuutiyiinta oo Sacuudiga ku eedeeyay inuu fulinayo danaha Mareykanka iyo Israa'iil

Al-Xuuti ayaa ku andacooday in shacabka Falastiin ay yihiin kuwa ugu badan ee waxyeelladu ka soo gaartay siyaasadaha Sacuudi Carabiya.

  • Caalamka

    16-07-2026

  • 02:29PM

Madaxweyne Ku-xigeenka Mareykanka oo Qiray Qaladaad ay Dawladdiisu Gashay

Maraykanka ayaa sannadkii hore marar kala duwan dib u dhigay baahinta faylasha Epstein oo ahaa dambiile lagu helay dambiyo la xidhiidha galmo.

  • Caalamka

    16-07-2026

  • 10:23AM