Kuuriyadda Koonfureed oo yeelatay ra'iisul wasaare cusub

Image

SEOL, South Korea – Madaxweynaha Kuuriyadda Koonfureed, Moon Jae-in, ayaa Talaadadii shalay wuxuu magacaabay ra'iisul wasaare cusub.

Wasiirkii hore ee ganacsiga, Chung Sye-kyun, oo caan ku ah magaca "Mr Smile" ama "Mr Dhoola-cadeeye" ayaa loo dhiibay jagaddan.

Sye-kyun oo taageereyaal badan leh ayaa lix sano ahaa Xildhibaan iyo afhayeenka baarlamaanka waddankaas.

Kuuriyadda Koonfureed, xilka ra'iisul wasaaraha waa xubin sharafeed. Chung Sye-kyun wuxuu bedelayaa Lee Nak-yon.

Magacaabistan ayaa waxay kusoo aadeysaa xili Golaha Wasiiradda dalkaas uu hareeyay fadeexad la xiriirta musuqmaasuq.

Wasiirka Cadaaladda ayaa bishii October ee sanadkan 2019 wuxuu isku casilay fadeexad ku aadan in uu caruurtiisa u musuqay waxbarasho.

Moon Jae-in ayaa gabagabada wareegtadda uu ku magacaabay Chung wuxuu ugu rajeeyay in uu si hufan ugu guto waajibaadka culus ee loo igmaday.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Iran Oo U Ogolaatay Maraakiibta Malaysia Inay Ka Gudbaan Marinka Hormuz

Ra’iisul wasaaruhu ma uusan faahfaahin tirada maraakiibta ka gudubtay marinka, ama shuruudaha lagu siiyay marin ammaan ah.

  • Caalamka

    27-03-2026

  • 07:54AM

Trump Oo Ka Fikiraya Inuu 10,000 Askari Kale U Diro Bariga Dhexe

Warbixinno ayaa tilmaamaya in ciidamada dheeraadka ah ay taageeri karaan difaaca saldhigyada Mareykanka.

  • Caalamka

    27-03-2026

  • 07:36AM