Madaxweynaha maamulka Somalida Ethiopia oo mushrax loo doortey

Image

JIGJIGA July 4,2015 (GO)- Kulan Talaadadii lasoo dhaafey June 30,2015 isugu yimaadeen magaalada Jigjiga xisbiga talada haya "ESPDP" ee dowlad degaanka Somalida Ethiopia (DDSI) ayaa waxa ay ku go'aamiyeen xukuumada shanta sano ee soo socota talada hayn doonto.

Xisbigaan oo ah midka ugu awooda badan ee ka jira dowlad degaanka ayaa go'aankaan waxa gaarey guddigiisa fulinta kuwasoo ka kooban 7 xubnood.

Magacyada musharaxiinta xisbigaan uaga qayb gali doonta doorashooyinka soo socda yaa kala ah;

1- Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar

2-Afhayeenka Baarlamanka DDSI mudane Maxamed Rashiid Isaaq.

3- Hanti Dhowrka Guud ee DDSI mudane Aadan kuusow.

Halka sadexda madaxweyne ku-xigeen kala ahaan doonaa; mudane Cabdixakiin Cigaal ahna wasiirka horumarinta magaalooyinka iyo warshadaha DDSI, mudane Mowliid Haayir ahna wasiirka waxbarashada, marwo Sucaad Axmed Faarax ahna wasiirka Wasaarada Beeraha DDSI.

GAROWEONLINE

Related Articles

Trump oo Ku Hanjabay Canshuuro Cusub oo ka Dhan ah Yurub, Kuna Xiray Arrinta Greenland

Trump, oo marar badan muujiyay rabitaankiisa ah in Mareykanku la wareego Greenland …

  • Caalamka

    17-01-2026

  • 06:32PM

Turkiga, Pakistan iyo Sacuudiga oo Ka Wada Hadlaya Heshiis Difaac

Harraj ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters in hindisaha heshiiskan saddex-..

  • Caalamka

    16-01-2026

  • 07:54AM