​Madaxweynaha Mexico iyo Trump oo kulmay [Sawirro+Muuqaal]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

Madaxweynaha Mexico, Enrique Pena Nieto, ayaa kulan saacad qaatay la yeeshay murashaxa madaxweynaha xibiga Jamhuuriga ee dalka Maraykanka Donald Trump iyagoo kawada hadlay arrimo ku aadan xaaladda labada dal iyo sidii iskaashi looga samayn lahaa dhinacyada ammaanka iyo la dagaallanka maandooriyaha.

Kulankan mudada socday ayaan sidoo kale looga hadlin cidda bixineysa kharashka derbiga uu Trump ololihiisa ku ballanqaaday in uu ka dhisayo soohdinta labada dal ay wadaagaan.

Shir jaaraa'id oo ay si wadajir ah u qabteen labada mas'uul waxay sheegeen inay ku faraxsanyihiin xiriirka ka dhaxeeya Maraykanka iyo Mexico iyagoo ballanqaaday inay  ka shaqayn doonaan sidii loo wanaajin lahaa.

Madaxweynaha Mexico Enrique Pena Nieto, ayaa codsaday in laga shaqeeyo sidii wax looga qaban lahaa daroogada iyo hubka waddankiisa kasoo gala dhinaca USA isagoo xusay inuu diyaar layahay wax kasto oo aan arrintaasi lagu joojin karo.

Murashax Jamhuuriga ayaa dhinaciisa xusay inuu xoogga saari doono sidii isbadal loogu samayn lahaa qaab dhismeedka dalka Maraykanka.

Mr Trump, oo horay u sheegay in muhaajiriinta Mexico ay yihiin kuwo daroogada ka ganacsada, isla markaana dumarka kufsada, ayaa markan ammaanay dadka Mexico, oo uu ku tilmaamay kuwo dadaal badan.

Kulanka labada dhinac ayaa laga yaabaa inay wax kabadalaan siyaasadda Trump ee dhinaca muhaajiriinta Mexico.

GAROWEONLINE

Related Articles

Soomaaliya oo kamid noqotay 75 dal oo saameeyay go'aan cusub oo Trump soo saaray

Liiska dalalka waxaa ku jira waddamo ka kala tirsan qaaradaha Afrika, Aasiya, Latin America, Bariga Dhexe iyo Yurub.

  • Caalamka

    15-01-2026

  • 06:32PM

Araghchi: Ma jiro qorshe lagu daldalayo dibadbaxayaal, Trump-na wuu joojiyay weerarka

Trump ayaa arrintan ka hadlay saacado kaddib markii Mareykanku bilaabay in uu ka saaro qaar ka mid ah shaqaalihiisa saldhig ciidan oo ku yaalla Qatar.

  • Caalamka

    15-01-2026

  • 05:28AM