Madaxweynaha Nigeria oo mas'uuliyiin xilal ka qaaday

Image

Madaxweynaha dalka Nigeria, Muxammadu Buhari, ayaa sameeyay xilka qaadis ballaaran kadib markii uu shaqada ka eryay ugu yaraan 26 mas’uul oo madax ka ahaa wakaalado iyo waaxyo kale oo muhiim ah oo ka tirsantahay warbaahinta waddankaas.

Waxaa la waydiistay in ay xilka ku wareejiyaan saraakiisha ugu sarsareysa waaxaha ay ka tirsan yihiin ilaa madax cusub laga soo magacaabo. 

Waa bilowga isbadello waa weyn oo la filayo in ay saameyso boqolaal wakaaladood iyo waaxyo ka tirsan dowladda. 

Madaxweynaha ayaa waxaa saarnaa cadaadis ballaaran oo ku aadan in uu isbadeladan sameeyo, taasi oo xilalka looga qaadi doono inta badan dadkii ka ag dhawaa madaxweynihii hore ee dalkaasi Goodluck Jonathan. 

Waxaa la filayaa in madaxdaasi xilka laga qaaday ay badeli doonaan xubno ka tirsan xisbiga talada haya ee APC, gaar ahaan kuwa dowrka muhiimka ah ka qaatay doorashadii Madaxweyne Muxammadu Buhari. 

Magacaabista jagooyinkaas ayaa waxaa loo arkaa in ay yihiin mag dhaw ku aaddan dadkii waqtigooda iyo maalkoodaba galiyay sidii uu xisbigu talada ku qaban lahaa. Dadkii jagooyinkan horay u hayay ayaa lagu yaqaannay in ay hantida qaranka ay jeebabkooda ka buuxsadaan. Hasayeeshee markii la fiiriyo sida uusan Muxammadu Buhari ugu dulqaadanayn musuq maasuqa ayaa waxa ay xaaladda ka dhigi doontaa mid aad u adag oo howshu aanay sidii hore ahaan doonin.

GAROWEONLINE+BBC

Related Articles

Riyaalka Iran oo Qiimo-dhac Taariikhi ah Wajahaya, $1 oo Dhaafay 2 Milyan oo Riyaal

Riyaalka ayaa Isniintii ku dhacay qiyaastii 2.02 milyan oo Riyaal halkii doollar, sida lagu sheegay xogta suuqa lacagaha aan rasmiga ahayn.

  • Caalamka

    24-08-2026

  • 01:02PM

Uganda iyo Burundi oo khibrad u leh howlgalka Soomaaliya oo Ciidan u diraya Gaza

Sarkaal ka tirsan milatariga Uganda oo xog u haya qorshaha ayaa sheegay in ciidamo hadda la xulayo si loogu diro Gaza.

  • Caalamka

    24-08-2026

  • 05:39AM